Weerar ka dhacay Mali oo lagu dilay 49 askeri

Mali army badge

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Weerarka waxaa ka horeeyay mid kale oo bil laga joogo, kaas oo lagu dilay 38 askeri oo ku sugnaa xuduudda Burkina Faso.

Xagjiriin ku sugn dhanka Waqooyi-Bari ee dalka Mali aya weerar ku dilay 49 askeri oo ku sugnaa xero ciidan, sida ay xaqiijiyeen militariga dalkaas oo facebook ku qoray arrinta.

Weerarkan wuxuu ka mid yahay kuwii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas ka dhaca, tobankii sano ee la soo dhaafay.

Farriin kale oo ciidamada ay twitter-ka ku daabeceen waxay weerarka ku tilmaameen "mid argagixiso".

Mali waxaa ka taagan qalalaase, tan iyo 2012-kii, markii maleeshiyaad Islaamiyiin ah ay la wareegeen dhanka Waqooyi ee dalkaas. Militariga Mali oo garab ka helayay ciidamada Faransiiska ayaa dib u qabsaday dhul ballaaran, laakiin amni darada halkeeda ayey ka sii socotaa.

Qalalaasahaas ayaa sidoo kale ku faafay dalalka deriska la ah Mali.

Warbixin kale oo uu soo saaray afhayeenka dowladda, Yaya Sangare, waxaa lagu sheegay in 54 askeri ay weerarka ku dhinteen.

Ciidamadii gurmadka ee la diray waxay la kulmeen "burbur baaxad weyn oo qalabkii askarta loo geystay", ayuu yiri Sangare.

Ma jirto koox sheegatay weerarka ka dhacay magaalada Indelimane ee gobolka Menaka.

Map

Weerar kale, 38 askeri ayaa lagu dilay duullaan lagu qaaday laba xero ciidan oo ku yaallay xuduudda mali iyo Burkina Faso, dhammaadkii bsihii September.

Xuduudaha ay Mali la wadaagto, Burkina Faso, Chad, Niger iyo Mauritania, Waxaa ka jiro xoogag uu Faransiiska taageerayo oo la dagaallamaya muqaawamada kuwaas oo loo garanayo G5 Sahel.

Kooxdaas ka kooban shanta dal waxay weerarkii Bishii Septmber ku eedeeyeen "maleeshiyaad looga shakisan yahay Ansarul Islam" in ay ka mid yihiin.

Ansarul Islam, waxaa sannadkii 2016-kii aasaasay wadaadka mayilka adag ee caanka ah, Ibrahim Malam Dicko. Waxa la sheegayaa in sannadkii 2012-kii uu dagaal culus la galay Islaamiyiintii Waqooyiga Mali.