Ma ogtahay in caado-go`a ay saameyn ku yeelan karto maskaxda haweenka?

Menopause

Xigashada Sawirka, Getty Images

Billowgii xirfaddeeda, Dr. Gayatri Devi, oo ku takhasustay xanuunnada neerfaha kana howlgasha Isbitaalka Lenox Hill ee magaalada New York, iyo asxaabteeda ayaa sameeyay khalad: waxay cudurka asaasaqa ka daweeyeen haweeney la dhibtooneysay caado-go'a.

Kaddib daaweyn badan, caafimaadka haweeneyda ayaa soo hagaagay, markaas kaddib ayay Dr. Devi ogaatay calaamado kale - sida qofka oo xusuustu ay ka tagto, jahwareer - laga yaabo inay sababeen waxyaabo kale.

Dhibaatada dhanka garashada ee qofka ayaa toos loola xiriiryay hoos u dhaca degdegga ah ee hoormoonka estrogen, oo ah xaalad dhacda sanad kaddib caadadii ugu dambeysay ee ay haweeneydu heshay.

Arrintaas ay ka wra heshay Dr. Devi waxay horseedday in la baaro calaamadaha aan la garaneyn ee caado-go'a ee saameynta ku yeesha maskaxda.

Waxaa la yaab leh, haween badan ayaa la dhibtooda arrintan balse lama oga waxa sababay.

"Inta badan haweenka ay caadado ka tegi rabto [muddo ilaa toddoba sano ah] - waxaa ku bilaabata xusuusta oo ku yaraata sida xusuusashada dhacdoyinkii la soo dhaafay iyo luqadda oo ku adkaata, amaba inay dhowr howl hal mar isku qabtaa," ayay Dr Devi u sheegtay BBC.

Menopause

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Marka ay haweenku sii gaboobaan, jirku ma helo maaddo badan oo estrogen ah

Waxay saameysaa xusuusta sida marka ay haweeneydu aaddo dukaanka ee ay illowdo wiixi ay dooneysay inay soo iibsato, ayay tiri Pauline Maki, oo maaddada cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Illinois, Chicago ee Mareykanka.

Waxay saameysaa awoodda aan sheekooyin uga sheekeyn lahayn, aan uga qeybgeli lahayn wada sheekeysiga shirarka. Iyo in hadhow la soo xusuusto wixii laga hadlay.

Dhibaatadu way ka qaro weyn tahay intii loo maleynayay

"Daraasaddeenna waxaan ku ogaannay in inta badan haweenku ay la dhibtoodaan xaaladdan halka boqolkiiba 10 kuwii ka qeyb qaatay baaritaanka ay ku guul darreysteen inay soo xusuustaan wiixi laga filayay inay gartaan marka da'dooda loo eego," ayay tiri Prof Maki.

"Balse caqabaddu ma weyna mana saameyneyso inay gutaan waajibaadkooda shaqada."

Sida ay aaminsan tahay Dr. Devi, "ku dhowaad boqolkiiba 60 haweenka ay caadady ka go'i rabto iyo kuwa ay ka go'dayba waxay la kulmaan dhibaabooyinka dhanka garashada ah, balse arrintan ayaa waxaa lagu xaqiijin karaa baaritaan caafimaad.

Maxaa keenaya isbeddelkan?

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ayaa ah in maskadxa ay leedahya hoormoonka estrogen oo ku keydsan agagaarka qeyb yar oo ka mid ah maskaxda oo qaabilsan keydinta xusuusta.

Baaritaan lagu sameeyay haween ugxaantoodu ay ku jiraan hoormoonka estrogen sare ah, ayaa muujinaya in awooddooda garashada ay saddex jeer badatay marka la siiyay dawooyiin sare u qaada hoormoonkaas, says Prof Maki.

Dhididka habeenkii malala xiriirin karaa xusuusta?

"Balse keliya maaha hoos u dhaca hormoonkaas waxa sababaya xaaladdan. Waxaa jira waxyaabo kale oo xisabata lagu darsna karo sida hurdo la'aanta," ayay tiri Rebecca Thurston, oo cilmu-nafsiga ka dhigta Jaamacadda Pittsburgh.

"Inta ay caado-go'a jirto, ilaa boqolkiiba 60 haweenka ayaa la kulma hurdo la'aan," ayay tiri.

Hurdo la'aanta waxay saameysaa xusuusta maskaxda, waxayna kuleyl aad u daran ku sii deysaan dhammaan jirka, taas oo sababta kuleyl jirka ah iyo nabro yaryar.

Marka laga soo tago hurdo la'aanta, haweenka qaar ayaa sheegay inay habeenkii iska beddelaan dharka kadiib marka ay la kulmaan dhidid badan.

Hoormoonka estrogen sidoo kale ma saameeyaa jawiga qofka?

Haa, wuu saameyn karaa.

La'aanta hoormoonka Estrogen wuxuu saameyn karaa maqaarka, taas oo ka dhigeysa haweeneyda inay dareento qalleyl.

Isbeddel dhanka jawiga ah ayaa sidoo kale saameeya maskaxda.

Ceeb iyo jaahilnimo

Haddii xaaladdan ay saameyso haween badan, maxaanan loo ogeyn?

Waxay u muuqataa inay jirto wacyigelin la'aan, iyadoo caado-go'a ay weli ceeb ka tahay dhaqamo badan dhexdooda.

"Dhibaatadu waa xaaladdan waxay sanado bada heysatay haween, waxaana laga yaabaa inaysan ogeyn inay calaamad u tahay caado-go'a."

Waa maxay calaamadaha caado-go'a?

  • Isbeddello ku yimaada xilliga caadada (caado wareer)
  • Xaddiga dhiigga caadada (mid culus ama khafiif ah)
  • Qalleyl hoos ah
  • Hurdo la'aan
  • Wadno garaac
  • Jir xanuun
  • dareen murugo ah
  • Murqo xanuun
  • Caabuq kaadida ah

Isha: Waaxda daryeelka caafimaadka qaranka UK

Menopause

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Lafuhu daciif ayay noqdaan kaddib caado-go'a

Daawada

Khubarrada ayaa sheegay inay jiraan qaabab badan oo haweenka looga caawin karo inay la tacaalaan isbeddellada jir iyo maskax ahaaneed ee ay sababto caado-go'a.

Haweenka ayaa lagula taliyay in caado-go'a kadib ay ku dadaalaan cunto isku dheelli-tiran, ay ka fogaadaan cuntada ay dufantu ku badan tahay, ayna cunaan kuwa ay birtu ku badan tahay si ay lafuhu ugu kobcaan isla markaana aysna ugu dhicin xanuunnada wadnaha.

Inay sameeyaan jimicsi si uu uga yaraado walbahaarka, isku buuqa isla markaana aysan ugu dhicin xanuunnada wadnaha.