Dawada COVID-19: Tani ma laga yaabaa inay noqoto dawada fayraska Korona?

Xigashada Sawirka, OXFORD UNIVERSITY
Mudo sanad ah oo gaw ah ka dib markii la helay dawooyinka jaban ee la yidhaa steroid ee ka hortaga dhimashada Covid, cilmi baadheyaashu waxay sheegeen in ay heleen dawo kale oo nolosha badbaadin karta.
Waa qaali, waa irbad xididada laga qaado oo viruska curyaaminaysa oo aanu dhaawici karin habdhiska difaaca jidhka ee uu kaga faceliyo wayeelada cudurka.
Natiijada ka soo baxday tijaabada ayaa muujinaysa in ay caawin karto sadaxdii qof ee isbitaal u jiifa xaaladaha culus ee covid midkood.
Boqolkii bukaana ee lagu daweeyey ba waxay khubaradu ku xisaabiyeen in lix ka mid ah ay badaadin karto.
Dawo aad u muhiima
Laakiin dadka aan jidhkoodu wali samaynin antibodies uu kula digaalamo fayraska ayaa dawadaa la siin doonaa waxaanay qiimaheedu yahay inta u dhaxaysa 1,000 ilaa 2000 oo gini.
Kimberly Featherstone oo 37 jir ah oo dawadaa la siiyey ayaa tidhi "waxaan dareemayay in aan aad u nasiib badnaa intii ay tijaabadu socotay markii dhakhtarka la I geeyey anoo qaba covid-19 ee aan awooday in aan ka kaco markaan dawadan muhiimka ah qaatay.
"Waan ku faraxsanahay in aanka qayb glaay oo aan ka mid ahaa in dawadaa helideeda lagu guulaysto"
Dawada oo ay samaysay shirkada Regerson ayaa fayraska isku xidhxidhaysa si ay uga joojisay inuu unugyada wax yeelo.
Tijaabada oo ay ku jireen qiyaastii 10,000 oo bukaana oo jiifa isbitaalada Ingiriiska ayaa aad hoos ugu dhigtay
- Halista dhimasahada.
- Mudada qofku ku jirayo isbtaalka oo afar cisho celcelis ahaan soo gaabisay.
- Suurto galnimada ah inaan loo baahan qalabka kaaba neefsashada.
Baadheyaashaa ninka u hormoodka ah Sir Martin Landray ayaa yidhi "in dadka la siiyo isku dhafkan labada antibody ee laga qaadanaya xidida ay hoos u dhigaysa fursada qofku ku dhimayanaan shan goor.
"Waxaanu ogaanay in haatan aan adeegsan karano dawo fayraska lagaga hortago hadii antibodies-ka aanu bukaani lahayn saddexdii qofba midkood ayaa halista uu ku dhiman karo laga hortagi karaa"

Xigashada Sawirka, Reuters
Hubanti la'aan weyn
Dawada waxa bukaanka loogu daray dawada kale ee la yidhaa dexamethasone oo iyaduna gaarkeeda hoos u dhigta qiyaastii saddex goor halista qofka aadka ugu buka covid ugu dhiman karo.
Sir Peter Horby oo ah cilmibaadhyeaasha hormoodkooda ayaa sheegay in ay jirto hubanti la'aan weyn oo ku saabsan daawaynta antibodies in ay sax taxay madaama oo darasaad kale muujiyeen in aanay wax faa'iido ah lahayn.
In la istimaali dhiga dadka ka bogsaday cudurka oo uu ku jiro antibodies ee garan kara inay la dagaalamaan fayraska ayaan ilaa haatan wax tarkeeda la ogaanin tusaale ahaan.
Laakiin daawaynta antibodies ee tijaabada hordhaca ah loo adagsay ee lagu sameeyey shaybaadhka waa wax fiican oo wax lagaga qaban karo safmarka fayraska.
Peter wuxuu yidhi "waa wax xiise leh in la ogaado horumarkan laga gaadhay taaladida cudurka Covid-19 oo in fayraska si gaara loo beegsado waxay yarayn kartaa dhimashada bukaanka jidhkoodu soo saari kari waayo antibody uu iskaga difaaci lahaa.











