Wiil yar oo khatar u galay badbaadinta walaashii

Xilli colaadda ka socata dalka Yemen ay tahay mid aan xal laga gaarin isla markaana dagaalka u dhexeeya dowladda uu caalamka aqoonsan yahay iyo Xuutiyiinta uusan wali joogsan, ayaa waxaa marwalba dalkaas laga soo tebiyaa dhibaatooyin ay xitaa ku naf waayeen carruur badan.

Magaalada Taacis ee dalkaas waxay hay'adaha xuquuqda aadanaha sheegeen in caruur gaareysa 450 ay dileen ama ay dhaawaceen Xuutiyiinta Yemen ee gacan-saarka la leh dowladda Iran.

Waxaa se sheekooyinka argagaxa leh ee laga soo tebiyay dalka Yemen kamid ahaa wiil yar oo lagu magacaabo Amiir, kaas oo muuqaal laga duubay sanad kahor ay ka naxeen dad badan oo caalamka ku nool kadib markii walaashii ka yar oo lagu magacaabo Ruweida laga duubay muuqaal iyadoo taala bartamaha magaalada Taacis kadib markii laga toogtay madaxa.

Sheekada aragagaxa leh ee Ruweida o uu meel fog kasoo toogtay qof la sheegay inuu katirsan yahay Xuutiyiinta Yemen ayaa xabadda waxay kaga dhacday madaxa, waxaa se dad badan ay la yaabeen markii walalkeed oo aan sidaas uga weyneyn uu ka soo jiiday bartanka wadada xilli ay jiiftay, kana soo badbaadiyay halkii lagu toogtay ayadoo walibana ay rasaasta ku soo dhacayso.

"Ruweida waxay biyo ka doontay xaafad inoo dhaw, markii ay soo laabatay ayadoo biyihii wada ayaa waxaa meel fog ka soo toogta qof katirsan Xuutiyiinta, waxayna ku dhacday dhulka balse markiiba walaalkeed Amiir oo ka ag dhawaa ayaa soo jiiday oo keenya dhinaca kale ee wadada, markii dambena waxaa la geeyay cisbitaal," ayuu yiri adeerkeed, Xamiid Saalax.

Ruweida ayuu sheegay inay xilligaas ku sugneyd xaalad aad u daran, waxaana uu intaa ku daray in wiilka yar uu yahay geesi aan gabanin, maadaama sida uu sheegay uu naftiisa khatar u geliyay sidii uu u badbaadin lahaa walaashii oo dhiig-baxeysay.

Ruweida ayaa markii dambe ka badbaaday dhaawacii soo gaaray kadib markii qalliin madaxa lagaga sameeya. Inkastoo Ruweida ay badbaaday, haddana waalidkeeda wuxuu sheegay in aysan habeenkii seexan, maadaama wali ay xanuunsaneyso.

"Ruweida way fiican tahay balse wali waa lagu dambeeyaa oo si fiican uma seexan karto habeenkii," ayuu yiri aabaheed oo lagu magacaabo Saalax.

Ruweida ayuu aabaheed sheegay inay argagaxday wixii ka dambeeyay dhacdadaas.

"Mar waliba o aan dhaho kaalay aabo dukaanka aad, waxay i tirahdaa Maya.. Aabo, mar waliba oo ay maqasha dhawaqa rasaastana waxay moodeysaa in ayada la dilayo," ayuu sii raaciyay aabaheed Salex.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha waxay sheegeen in weerar waliba oo ay geystaan Xuutiyiinta ay ku dhaawacmaan ama ay ku dhintaan caruur aan waxba galabsanin.