You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qaramada Midoobay: Malaayiin caruurta Yemen ah ayaa macaluul u dhiman doona haddaan gargaar degdeg ah la helin
Hay'adaha Qaramada Midoobay kuwooda gargaarka kuwa ugu waawayn midkood ayaa ka dayrisay in malaayiin caruur reer Yemen ahi ay macaluul qarka u saaranyihiin maadaamada oo uu jiro "hoos u dhac weyn" oo ku yimi gargaarkii aadamenimo oo kuu kallifay Covid-19.
Unicef ayaa sheegtay in ay u baahantahay ku dhawaad nus bilyan doolar oo gargaar ah si ay u badbaadiso caruurta dalkaas oo ay Qaramada Midoobay shaacisay in ay ka jirto duruuftii ugu ba'nayd ee aadamenimo dunida.
Qiyaastii laba milyan oo caruur ah ayaa nafaqo darro xumi ku haysataa Yemen oo uu ragaadiyey dagaal shan sannadood ka socday.
Unicef waxay sheegtay in hadii aanay helin 54.5 milyan oo doolar dabayaaqada bisha Ogost, in ku dhawaad 23500 oo caruur ahi ay u dhiman karaan nafaqo darrada haysata.
Malaayiin kale ayaan iyaguna heli dooni cuntada nafaqada leh iyo fiitamiinada ama tallaalka lagaga hortago cudurrada dilaaga ah, ayey digniinta ku sheegtay hay'addu.
Waxa kale oo ay sheegtay in 19 milyan oo qof oo ay ku jiraan hal milyan oo dumar uurle ama caruur nuujinayaa ay sidoo kale waayi doonaan adeega caafimaad hadii aan deeq lacageed loo helin.
Dedaalka badbaadinta ubadka loogu jiro
"Kama badbadinayno xaddiga xaaladda duruufta haysata caruurta dalkan ay ka jirto duruufta aadamenimo ee ugu ba'an dunidu ee dagaalka ugu jira Covid-19 sidii uu uga badbaadi lahaa" ayey tidhi Sara Beysolow Nyanti, madaxa Unicef ee Yemen".
Waxaanay intaa ku dartay "hadii aanu heli weyno deeq lacageed oo degdeg ah, caruurtu waxay halis u yihiin macaluul kuwo badanina waabay u dhiman doonaan".
Hay'addu waxay sheegtay in ay u baahantahay 53 milyan oo doolar oo kale oo ay wax kaga qabato fayraska korona ee dalka Yemen ku fidaya.
Qiyaastii 1000 iyo dheeraad qof oo cudurka qaaday iyo 288 dhimasho ah ayaa laga xaqiijiyey gobollada xukuumaddu gacanta ku hayso iyo tiro intaa wax yar uu ka hoosaysa meelaha ay fallaagadu gacanta ku hayaa in kasta oo la rumaysanyahay in tiradu intaa aad uga badantahay.
Tan iyo 2015 Yemen waxa halakeeyey colaad keentay in malaayiin qof ay waayaan adeeg hagaagsan oo caafimaad, biyo nadiif ah yo fayo dhowrka guud kuwaas oo lama huraan u ah ka hortagga fiditaanka fayraska.
Adeegga caafimaad ee dalka ayaa gebi ahaan ba burburay taasina waxay keentay in waxba uu ka qaban kari waayo safmarkan socda.