Coronavirus: Dhakhaatiir hawlgab ah oo laga codsaday inay soo gurmadaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waaxda daryeelka caafimaadka UK ayaa waraaqo u dirtay in ka badan 65,000 oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal howlgab noqday, iyadoo ka codsaneysa inay ku soo laabtaan shaqada si ay uga qeyb qaataan la dagaallanka fayraska corona.
Dhanka kale, dowladda ayaa codsatay in dhammaan isbitaallada la geeyo qalabka loogu talogalay la dagaallanka cudurkaasi.
Dalka UK, 144 qof ayaa fayraska Corona u dhintay, halka 3,269 oo qofka laga helay xanuunka Covid-19.
Dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha sare ee saddexdii sano ee ugu dambeysay ka tegay waaxda daryeelka caafimaadka UK ee NHS ayaa loogu baaqay inay is soo diwaangeliyaan si ay qeyb uga noqdaan dagaalka lagula jiro fayraska Corona.
Ardayda caafimaadka barata ee ku jirta sanadkoodii ugu dambeeyay ee jaamcadda ayaa sidoo kale laga yaabaa in la siiyo shaqo ku meel gaar ah.
Saameynta dhaqaalaha
Iyadoo fayraska Corona uu saameyn ku yeeshay nolosha bulshada UK, ayaa shirkado badan waxay cabsi ka qabaan inay musallafaan, taas oo horseedeysa in kumannaan qof ay shaqadooda ku waayaan.
Mid ka mid ah waxyaabaha la soo jeediyay ee haatan laga wada xaajoonayo ayaa ah in UK ay ku dayato dalalka sida Denmark, oo ay dowladuhu ballan qaadeen inay muddo saddex bilood ah bixin doonaan 75% mushaarka shaqaalaha shirkadaha gaarka loo leeyahay, haddii ay shirkadahaasi ballan qaadaan inaysan shaqaalaha cayrin.
Iskuullada UK ayaa xirnaan doona laga bilaabo maanta, marka laga reebo kuwa lagu xannaaneeyo carruurta shaqaalaha ku hawlan la dagaallanka fayraska iyo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba.
Shaqaalaha mudnaanta gaarka ah la siiyay ee liiska dowladda ku jira waxaa ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, kuwa waxbarashada, booliiska iyo dadka soo saara cuntada iyo qalabka caafimaadka.
Carruurta shaqaalahaas ayaa loo oggolaaday inay aadaan iskuulka, balse waxay dowladdu ka codsatay waaliddiinta inay carruurtooda guryaha ku hayaan marka ay suurtogal tahay.
Xoghayaha caafimaadka dalkaas Matt Hancock ayaa codsaday in qalab ku filan la siiyo shaqaalaha caafimaadka, kaddib markii walaac laga muujiyay khatarta ay ku jiraan shaqaalaha la dagaallamaya fayraska Corona.
Hancock oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda UK ay keentay 2.6 milyan oo maaskarada wejiga ah iyo 10,000 oo dhalo oo dawada jeerkiska disha ah.

Farriin ay shalay bulshada dalkaasi u dirtay, ayaa waxay Boqoraddu ugu baaqday dadka inay isugu yimaadaan waxyaabaha waxtarka u leh.
Waxay ammaantay shaqada ay hayaan saynisyahannada, shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka, waxayse intaas ku dartay in qof walba uu leeyahay door muhiim ah.

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Hadalka Boqoradda ayaa yimid waxyar kaddib markii Ra`iisul Wasaaraha dalkaas, Boris Johnson, uu shir jaraa`id oo uu qabtay ku sheegay in UK aysan muddo 12 toddobaad ah wax uga qaban karin fayraska Corona.
Mr Johnson ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah dadka ku nool caasimadda London aysan u hoggaansamin amarka dowladda ee ah inay bulshadu kala fogaato, wuxuuna sheegay in haddii loo baahdo si qasab ah loo dhaqan gelin doono awaamiirtaas.
Isku-dayga soo saaridda tallaalka coronavirus ayaa bilaaban doona bisha soo socota, sida ays heegtay Waaxda Caafimaadka Bulshada UK.
Bankiga England ayaa dhimay lacagta dulsaarka oo ahayd 0.25% kana dhigay 0.1% - waana heerkii ugu hoseeyay taariikhda.










