Warrarkii ugu dembeeyey ee marinka Hormuz oo Iiran mar kale xirtay, xilli maraakiib la weeraray

Xigashada Sawirka, Reuters
Iraan ayaa sheegtay inay mar kale ka xirayso marinka Hormuz maraakiibta ganacsiga, iyadoo uga digtay markab kasta oo ku soo dhawaada in la beegsan doono.
Xiritaankan ayaa yimid xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in maraakiib ku sugnaa marinka dhexdiisa ama u dhowaa, oo ku jiro Markab booyad shidaalka qaada ah, ay Teheran beegsatay maalintii Sabtidii.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa go'aankaas ku sababeeyay go'doominta Maraykanku sii wado, taasoo timid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibadda Iiraan uu ku dhawaaqay in marinkan muhiimka ah ee ganacsiga caalamiga ah si ku meel gaar ah dib loo furay.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in Iiraan aysan "ku handadi karin" Maraykanka hanjabaado la xiriira marin biyoodka, kaasoo Tehran si wax ku ool ah u xannibtay ku dhowaad laba bilood taasoo sababtay in qiimaha tamarta caalamka uu sare u kaco.
Ciidanka Badda ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa bayaan ay soo saareen Sabtidii kaga digay in "aysan jirin wax markab ah oo ka dhaqaaqi kara goobaha ay ku xiran yihiin ee Gacanka Faaris ama Badda Cumaan." Waxay intaas ku dareen in tiro maraakiib ah ay marinkaas mareen iyadoo ay maamulayeen ciidanka IRGC tan iyo habeenkii Jimcaha, balse marinka la xiri doono ilaa inta Maraykanku ka joojinayo go'doominta uu ku hayo dekedaha Iraan.
"In loo soo dhawaado Marinka Hormuz waxaa loo tixgelin doonaa iskaashi lala leeyahay cadowga, markabkii sharciga ku xadgudba na waa la beegsan doonaa," ayay IRGC intaas raacisay.
Trump ayaa sheegay maalintii Jimcaha in go'doominta dhanka badda ee dekedaha Iraan ay sii socon doonto ilaa heshiis nabadeed laga gaaro oo labada dal dhexdooda ah. Xabbad-joojin laba toddobaad socotay oo hadda dhaqangalka ah ayaa la filayaa inay ku eg tahay 22-ka Abriil.
Maraykanka ayaa sheegay inuu dib u celiyay 23 markab tan iyo markii uu bilaabay dhaqangelinta go'doominta badda 13-kii Abriil.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iraan (SNSC) ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay xadgudub ka dhan ah heshiiskii xabbad-joojinta, ayna joojin doonaan dib u furista marinka inta ay go'doomintu jirto.
Marka la eego wadahadalada lagu soo afjarayo dagaalka, golaha sare ee amniga Iiraan waxay sheegeen in soo-jeedino cusub ay ka yimaadeen Maraykanka, kuwaas oo Teheran ay "hadda dib u eegis ku hayso, welina aysan ka jawaabin." Wadahadaladii nabadda ee dhacay horraantii bishan ayaa kusoo dhammaaday heshiis la'aan.
"Wadahadallo aad u wanaagsan ayaa noo socda. Wax walba si fiican ayay u socdaan," ayuu yiri Trump maalintii Sabtida, isagoo ka hadlayay halka ay marayaan wadahadalada lala leeyahay Teheran.
Labo doonyood oo kuwa dagaalka ah oo ay leedahay Iraan ayaa rasaas ku furay markab booyad ah oo marayay marinka, sida ay sheegtay hay'adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee Boqortooyada UK (UKMTO).
Sidoo kale, markab siday kunteenaro ayaa waxaa ku dhacay "walax aan la aqoonsan" meel ka baxsan xeebta waqooyi-bari ee Cumaan, taas oo waxyeello gaarsiisay qaar ka mid ah kunteenarada, sida ay sheegtay UKMTO.

Dhinaca kale, ugu yaraan laba markab oo ganacsi ayaa sheegay inay ku dhacday rasaas xilli ay isku dayayeen inay ka gudbaan marinka, sida ay ilo wareedyo u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Hindiya ayaa sheegtay inay u yeertay danjiraha Iraan si ay u gaarsiiso "walaaca xooggan ee ay ka qabto dhacdadii rasaasta ee maanta dhexmartay laba markab oo sitay calanka Hindiya gudaha Marinka Hormuz."
Xogta laga helay bogga lagala socdo maraakiibta ee MarineTraffic ayaa muujisay in qaar ka mid ah maraakiibta ay ku guuleysteen inay ka gudbaan marinka intii uu mudada kooban furnaa. Kuwo kale ayaa lagu khasbay inay beddelaan jidka ay marayeen ka dib markii ay IRGC u diidday inay gudbaan.
Qiyaastii 20% shidaalka adduunka iyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ayaa caadiyan la mariyaa marinkaas, balse tirada maraakiibta safarkaas samaynaya ayaa hoos u dhacday si weyn intii uu socday iskahorimaadkan dhowaan billowday, kaas oo ka dhashay markii Maraykanka iyo Israa'iil ay weerareen Iraan 28-kii Febraayo.
Marinkan ciriiriga ah wuxuu isku xiraa Gacanka (Persian Gulf) iyo Badda Carabta, waana jidka kaliya ee badda looga bixi karo ama lagu tegi karo dhowr dal oo soo saara shidaalka. Xiisaddan ayaa keentay in qiimaha foostada shidaalka ah ay mararka qaar kor u dhaafto $100.
Iraan ayaa hore ugu hanjabtay inay weerari doonto maraakiibta booyadaha ah iyo kuwa kale, iyadoo sidoo kale ka digtay inay miinooyin ku aastay biyahaas.













