Mugabe shakhsi noocee ah ayuu ahaa

Robert Mugabe

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Robert Mugabe

Markii uu noqday ra'isal wasaarahii u horeeyey ee Zimbabwe xor ah iyo markii dambe oo uu madaxweyne noqday ba, Robert Mugabe wuxu ballan qaaday dimuqraadiyad iyo dib u heshiisiin.

Laakiin rajadii la dhalatay xorriyadii 1980 waxa dumiyey colaad, musuq iyo masiibo dhaqaale.

Madaxweyne Mugabe wuxu noqday nin si aan gabasho lahayn u dhaliila reer Galbeedka, weliba gaar ahaan Ingiriiska oo ah quwaddii gumaysi ee dalkiisa haysan jirtay waxaanu ku eedayn jiray "dal cadow ah".

In kasta oo uu si arxan darro ah ula dhaqmi jiray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah iyo waliba maarayn xumadiisii dhaqaalaha dalkaas oo mar ahaan jiray mid barwaaqo ah, ayaa hadana waxa uu had iyo goor taageero ka heli jiray hogaamiyeyaasha kale ee Afrika oo u arkayey inuu ahaa geesi la dagaalamay xukunkii gumaysiga.

Robert Gabriel Mugabe wuxu ku dhashay dalkii la odhan jiray Rhodesia 21 Feeberweri 1924, aabihii wuxu ahaa nijaar ka dhashay qoomiyada dalka ugu badan ee Shona. Wuxu wax ku bartay dugsiyadii kaniisadda Kaatoliga waxaanu noqday macalin.

Wuxu deeq waxbarasho ka helay jaamacadda Fort Hare ee Koonfur Afrika oo wuxu ka qaatay shahaadadiisii ugu horraysay ee jaamacadeed oo ka mid ah todobada shahaado ee uu haystay, ka dib wuxu macalin ka noqday dalka Ghana halkaas oo uu aad ugu riyaaqay fikradihii hogaamiyihii Ghana ee dooni jiray midnimada Afrika Kwame Nkrumah. Waxaanu halkaa ku guursaday afadiisii koobaad Sally oo reer Ghana ahayd.

Sannadkii 1960 Mugabe wuxu ku noqday Rhodesia. Markii hore wuxu ka shaqeeyey xisbigii waddaniyada Afrikaanka u doodi jiray ee uu hogaaminayey Joshua Nkomo, ka dibna wuu ka baxay oo wuxu ka mid noqday xubnihii aasaasay ururkii Zimbabwe African National Union (Zanu).

Sannadkii 1964 mar uu khudbad jeediyey uu ku sheegay ra'isal wasaarihii Rhodesia, Ian Smith, iyo xukuumadiisii "cowboys", ayaa Mugabe la xidhay muddo toban sano ah isaga oo aan maxkamad la horgeynin.

Bidix; Robert Mugabe, Midig: Joshua Nkomo waa sawir la qaaday 1960

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bidix; Robert Mugabe, Midig: Joshua Nkomo waa sawir la qaaday 1960

Wiil yar oo uu dhalay ayaa dhintay isaga oo weli xabsiga ku jira waxaana loo diiday inuu aaska ka qayb galo.

Sannadkii 1973 isaga oo weli xabsiga ku jira waxa loo doortay in uu noqdo hogaamiyaha ururkii Zanu.

Markii la sii daayey ka dibna waxa uu tagey Mozambique waxaanu halkaa ka bilaabay dagaal jabhadayn ah oo uu ku qaaday Rhodesia. Ururkiisii Zanu wuxu isbahaysi aan adkayn la yeeshay ururkii Nkomo ee Zimbabwe African People's Union (Zapu).

Intii ay socdeen wadahadaladii adkaa ee lagaga wadahadlayey gobanimada Rhodesia, waxa loo arkayey in uu ahaa ninka ugu mayalka adag hogaamiyeyaashii madoobaa ee aan marnaba ka tanaasulayn waxa uu doonayo.

Sannadii 1976 mar uu socdaal ku tagay London ayuu ku dhawaaqay in xalka keliya ee dhibaatada Rhodesia ku iman doono qori caaradii.

Debacsanaantiisii

Xirfadihiisii wadaxaajoodka ayuu ku mutay ixtiraam uu ka helo dad badan oo markii hore aad u dhaliili jiray, warbaahintuna waxay ku amaantay inu ahaa "maskaxda jabhadda".

Heshiiskii lagu saxeexay Lancaster House ee 1979 waxa lagu dejiyey dastuur loo sameeyey Jamhuuriyaddii cusbayd ee Zimbabwe, oo lagu bedelay magacii Rhodesia, waxaana lagu mudeeyey in bisha Feeberweri ee 1980 ay dhacdo doorashadii ugu horraysay ee lagu dooranayey dawlad cusub.

Mugabe wuxu ololaha doorashada galay isaga oo ka aragti duwan Nkomo, waxaanu helay aqlabiyad weyn, taas oo dad badan oo doorashada dusha kala socday ku noqotay guul lama filaan ah. Ururkii Zanu wuxu helay aqlabiyad badan in kasta oo ay labada dhinac ba doorashada ku tilmaameen in ay ka jirtay ku shubasho iyo cago-juglayn.

Mugabe oon la gabban jirin inuu ahaa Marxist, ayaa markii uu guulaystay dad badan oo caddaan ahi ka guureen Rhodesia, iyadoo ay dadka taageersani dariiqyada ka damaashaadayeen.

Si kastaba ha ahaateen, hadaladiisii debacsanaa ee dib u heshiisiinta markii uu guulaystay ka dib uu sheegay ayaa qanciyey dad badan oo ka soo horjeeday. Wuxu ballan qaaday inuu dhisi doono dawlad sal ballaadhan iyo in aan cidna xukuumadiisu ka aar gudan doonin isla markaana aanu qaramaynayn shirkadaha ganacsi ee gaarka ah. Wuxu sheegay in ujeedadiisu tahay dib u heshiisiin.

Markuu talada dalka qabtay wuxu ballan qaaday dib u heshiisiin

Xigashada Sawirka, Magnum Photos

Qoraalka sawirka, Markuu talada dalka qabtay wuxu ballan qaaday dib u heshiisiin

Sannadkaa dabayaaqadiisii wuxu soo bandhigay siyaasadiisa dhaqaale taas oo isku dhaftay ganacsi gaar ah iyo maalgashi dawladeed.

Markii uu ahaa ra'isal wasaaraha ee uu had iyo goor u doodi jiray in dalku yeesho xisbi keli ah, ayaa khilaafkii dhex yaallay Mugabe iyo Nkomo sii qoto dheeraaday.

Mar la helay hub badan oo yaalay goobo uu lahaa ururka Zapu, ayaa Nkomo xukuumaddii lagaga saaray isku shaandhayn la sameeyey.

In kasta oo uu afka uun dimuqraadiyadda ka sheegan jiray, Mugabe wuxu cabudhiyey mucaaradnimadii siyaasadeed. Badhatamihii sideetamaadkii ayaa waxa lagu xasuuqay kumanaan qof oo ah qoomiyadda Ndebele oo loo arkayey in ay yihiin taageerayaasha Nkomo gobolka uu ku dhashay ee Matabeleland.

Hanti la wareegiddii

Mugabe waxa lagu eedeeyey dilkaa ay fulisay guutada 5aad ee ciidanka Zimbabwe oo ay Kuuriyada Woqooyi tabobartay, laakiin maxkamad lama geyn.

Cadaadis badanoo la saaray awgii ayaa Nkomo ku aqbalay in ururkiisii Zapu ku biiro Zanu hadii kale khasab lagula wareegi doono, waxaanu xsibigii Zanu markii dambe noqday Zanu-PF oo aan lala tartami karin.

Markii uu meesha ka saaray xilkii ra'isal wasaarenimada ayaa Mugabe waxa uu noqday madaxweyne 1987 waxaana mar saddexaad xilka loo doortay 996.

Isla sannadkaa ayuu guursaday Garace Marufu ka dib markii xaaskiisii u dhimatay kansar ku dhacay. Grace oo 40 sano ka yarayd waxay marka horeba u lahayd Mugabe laba caruur ah, kii saddexaadna waxay u dhashay madaxweynaha oo 73 jir ah.

Beerihii caddaanka waxa la wareegay taageerayaasha Zanu-PF

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Beerihii caddaanka waxa la wareegay taageerayaasha Zanu-PF

Waxoogaa wuu ku guulaystay inuu dhiso bulsho aan midab isku kala soocin, laakiin 1992 ayuu soo saaray xeerka la wareegidda dhulka kaas oo ogolaanayey in dhulka lala wareego iyada oo aan wax racfaana aanay qaadan karin cidda markaa lihi.

Qorshuhu wuxu ahaa in dhulka oo ay badankiisa haysteen 4500 oo beeraley caddaan ahi dib loo qaybiyo.

Horraantiin 2000 oo madaxtinimadiisana ay halis badani ka soo food saartay xisbi cusub oo markaa la sameeyey oo ah Movement for Democratic Change (MDC) oo uu hogaaminayey nin hore guddoomiye ugu ahaan jiray ururada shaqaalaha, Morgan Tsvangirai, ayaa Mugabe ku cadho burburay beeraleydaas oo loo arkayey taageerayaasha MDC.

Taageerayaashiisa oo loo yaqaanay "xorriyad u dirirkii" ayaa qabsaday beero ay caddaanku lahaayeen waxaana la dilay qaar ka mid ah beeralaydaa iyo shaqaalahoodii madowga ahaa.

Gargaarka dibadda

Tallaabadaa uu qaaday waxay wiiqday dhaqaalihii dalka ee marka horeba dhutinayey oo waxa afka dhulka daray wax soo saarkii beeraha ee Zimbabwe ee waayo ahaan jiray waxa aan liici karin. Dadka Mugabe dhaliilayeyna waxay ku eedeeyeen in uu dhulkaa u qaybinayey dadka isaga siyaasad ahaan taageera ee aan la siinayn dadka reer miyiga ah ee u baahan.

Waayo ku suntan taariikhda Mugabe

1924: Wuu dhashay, markii dambena macalin buu noqday

1964: Waxa xidhay xukuumaddii Rhodesia

1980: Wuxu ku guulaystay doorashadii ugu horaysay xorriyadii ka dib

1996: Wuxu guursaday Grace Marufu

2000: Wuxu ku guul darraystay afti, maleeshiyaad taageersan Mugabe ayaa xoog ku qabsaday beero caddaanku leeyihiin taageerayaasha mucaaradkana weeraray

2008: Wuxu kaalinta labaad ka galay wareegii koobaad ee doorashada oo Tsvangirai ku horeeyey, hase yeeshee uu qaadacay markii dame iyadoo weerarro lagu qaaday taageerayaashiisa dalka oo dhan

2009: Iyadoo dhaqaaluhu dumay ayuu Tsvangirai u dhaariyey ra'isal wasaarenimo oo xukuumad midnimo qaran ah oo aan is ogolan ay ku wada jireen afar sano

2017: Wuxu eryay jaalkiisii mudada dheer oo ahaa madaxweyne ku xigeenkiisa Emmerson Mnangagwa isaga oo dhabbaha u xaadhaya xaaskiisa Grace si ay xilka ugala wareegto.

Noofember 2017: Ciidanka dalka aya farogeliyey siyaasadda oo ku khasbay inuu is casilo.

Zimbabwe oo ahayd dalka ugu weyn ee cuntada soo saara Afrika waxay dhakhso isugu bedeshay dal ku tiirsan gargaar shisheeye oo lagu quudiyo dalkeeda.

Sannadkii 2000 dorashooyinkii baarlamanka xisbiga MDC wuxu 57 ka helay 120 kursi oo aad loogu codeeyey, inkasta oo markii dambe 20 kursi ay heleen dad Mugabe magacaabay sidaana uu xisbigiisa Zanu-PF ku helay aqlabiyadda.

Laba sano ka dib doorashadii madaxweynaha ayaa Mugabe ka helay 56.2% halka uu Tsvangirai ka helay 41.9% iyadoo loo caga-juglaynayey taageerayaasha MDC. Dad badan oo miyiga degan ayaa loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo hore looga xidhay goobihii codbixinta.

Mugabe iyo Tsvangirai

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Mugabe iyo Tsvangirai

Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Midowga Yurubayaa iyaguna sida MDC oo kale aan aqoonsanin wixii ka soo baxay doorashada maadaama oo doorshada ay hadheeyeen qalaase iyo eedo musuqmaasuq ahi, waxaanay Mugabe iyo Zimbabwe ba sii galeen go'doon sii kordhaya.

Ururka dalalka baraaqo sooranka ayaa sidoo kale Zimbabwe ka joojiyey inuu ka qayb galo shirarka ururka ilaa iyo inta ay hagaagayso dimuqraadiyaddiisu.

Sannadii 2005 ayaa Mugabe wuxu bilaabauy olole loo bixiyey Soo Celinta Kala Dambaynta oo gacan adag lagu saaray suuqa madow iyo waxa lagu sheegay "qas guud" oo dalka ka jiray.

Qiyaastii 30,000 oo wadhato ah ayaa la xidhay waxaana la dumiyey xaafadaha isku raranta ah ee dalkoo dhan ku yaallay, taas oo dhalisay in 700,000 oo qof oo reer Zimbabwe ahi barokacaan.

Robert Mugabe wuxu ahaa nin aan raaxo jeclayn oo ku lebista dhar aan qaali ahayn isla markaana aan cabin khamriga. Saaxiibadii iyo kuwa ay is hayaanba il shaki leh ayuu ku eegi jiray arintaas oo aan waxba ka sokayn inuu noqdo qof baqe aan jirin qaba.

Wuxu ahaa nin lagu amaano inuu ahaa geesiyadii halgankii Afriki heeryadii gumaysiga iskaga tuurtay hase yeeshee wuxu isku rogay kelidii-taliye ku tuntay xquuqda aadanaha dal mar barwaaqo ahaana ka dhigay goob macaluuli kuudaddo.

Soo yaalkiisu waxa suurto gal ah inuu sannado badan sumcadda Zimbabwe cabmaar ku ahaado.