Martigeliyayaashii koobka Afrika oo guushii u horraysay ku sooray dhiggood

Xigashada Sawirka, Getty Images
Koobka Qaramada Afrika ayaa ka furmay magaalada Qaahira, ee caasimadda u ah dalka Masar, iyadoo martigeliyayaashii koobkaasi ay guul ku fureen, kaddib 1 - 0 ay kaga badiyeen xulka Zimbabwe.
Waxay ahayd ciyaar ka tirsan, Group A, martigeliyayaashii koobkan, ayaa bilawga nuskiii hore ee ciyaarta dhaliyey goolka keliya ee guusha u horseeday. Goolkan ayaa sidoo kale ahaa goolkii furitaanka u noqday koobkaas qaramada.
Mahmoud Trezeguet, ayaa daqiiqaddii 41aad, dhaliyey goolkaasi, kaddib kubbad uu si fiican uga leexsaday daafacyada Zimbabwe, isaga oo kubbad xooggan dhex dhigay shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Elvis Chipezeze.
Kolkii qaybtii danbe ee ciyaartana la isugu soo noqday ayay labada kooxoodba sameeyeen iskudayo fiican, oo ay ku dooneen inay goolal ku dhaliyaan, asee dhammaantood waxay ku danbeeyeen hal bacaad lagu lisay.
ciyaaryahankii indhaha lagu hayey, ee Mo Salah, Ayaan bandhiggiisa kulankan loo bogin, inkasta oo uu dhawr jeer si fiican u dheelay. Ciyaartoygan reer Liverpool ayay kumannaanka dalkooda koobkan lagu ciyaarayaa ka rajeynayaan inuu ugu dheelo sida Ingiriiska marka uu joogo.
Guushan ayaa Egypt ka dhigaysa kaalinta koobaad ee Group A, oo ay kula jiraan xulalka DR Congo iyo Uganda, kuwaas oo ku kulmaya Iyana ciyaartan sabtida.
Kumannaan qof oo gaadhay 74,000 ayaa isugu soo baxay daawashada ciyaartii kooobaad iyo furitaanka koobkani, oo lagu ciyaarayo inta uu socdo siddeed garoon oo ku kala yaal dalka Masar. Waa koobkii ugu horreeyey 24 kooxood oo Afrika ka kala socdaa isugu yimaaddaan, sidoo kalena waa koobkii ugu horreeyey ee la ciyaarayo bilaha xagaaga ee hadda lagu jiro.






