Waa maxay xiriirka dheer ee madaxweynaha Eritrea kala dhaxeeya Soomaaliya?

.

Xigashada Sawirka, SONNA

Qoraalka sawirka, Madaxweynaha dalka Eritirea, Isaias Afwerki

Madaxweynaha Eritrea ayaa shalay sheegay in Soomaaliya ay tahay inay dhisato ciidankeeda, kuwaasoo filan sugidda amniga dalka. Isaias Afwerki ayaa hadalkan sheegay xilli dowladda Soomaaliya ay ku guda jirto hannaanka dib loogu soo celinayo ilaa shan kun oo askari oo lagu soo tababaray Eritrea.

"Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay'ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka".

"Si taa loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay'adaha dawliga ah iyo difaaca dalka." ayuu sii raaciyey.

Haddaba muxuu yahay xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya Afwerki iyo Soomaaliya?

Eritrea

Xigashada Sawirka, Getty Images

Sanadkii 2018 ayay ahayd markii ugu horreysay ee magaalada Muqdisho uu Isaias Afwerki isagoo madaxweyne ah booqasho rasmi ah ku tago, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen wafdi uu hoggaaminayay madaxweynihii xilligaas ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashada Afwerki ayaa kusoo beegantay xilli hoggaamiyeyaasha Geeska Afrika ay isla sanadkaas dhexdiisa gaareen heshiis ay ku xoojiyaan xiriirka, dhaqaalaha iyo horumarka gobolka. Xiriirka ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo dalalka Eritrea iyo Itoobiya ayaa aad u xoogeystay, kadib isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee raysal wasaaraha loogu doortay Aby Axmed.

Booqashadan ayaa ah tii ugu horreysay tan iyo markii uu Afwerki noqday madaxweynaha Eritrea. Balse kuma cusba Muqdisho, oo horey ayuu u tegi jiray.

Isaias Afwerki oo madaxweyne ka noqday dalka Eritrea kadib markii ay ka go'een Itoobiya inteeda kale ayaa waxaa aad loogu xusuusto dagaalkii uu usoo galay in Eritrea ay ka madaxbanaanaato Itoobiya.

.

Xigashada Sawirka, ERTV

Qoraalka sawirka, Sawir hore oo ah madaxweynaha dalka Eritirea, Isaias Afwerki

Afwerki ayaa sanadihii siddeetameeyadii waxaa la sheegay in uu joogi jiray Soomaaliya, xilligaasi oo uu dagaal kula jiray dowladdii Mengistu Haile Mariam.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebrameskel ayaa BBC-da u sheegay in uu jiro xiriir soo jireen ah oo ka dhaxeeya madaxweyne Afwarki iyo Soomaalida.

''Haa, madaxweyne Isaias Afwerki Muqdisho ayuu aad u booqan jiray siddeetameeyadii markii uu ahaa ku xigeenka xoghaya guud ee Ururka Xoreynta Eritrea. Dadka iyo dowladda Soomaaliyeed-na waxaan xilliyadaasi ka heli jirnay taageero qalbi iyo mid kaleba''. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemanne Gebremeskel .

Dowladii Maxamed Siyaad Barre ayaa la sheegaa in ay taageeri jirtay qaar kamid ah jabhadihii dagaalka kula jiray dowladdii Itoobiya ee xiligaasi, kadib markii labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay dirireen sanadkii 1977-dii.

.

Xigashada Sawirka, ERTV

Qoraalka sawirka, Sawir hore oo ah madaxweynaha dalka Eritirea, Isaias Afwerki

Dhanka kale dowladda Eritrea ayaa sheegtay in xiriir soo jireen ah uu ka dhaxeeyo dadka Soomaaliyeed iyo Eritrea.

''Xiriirka u dhexeeya dadka Eritrea iyo Soomaalida waa mid soo jireen ah. Dadka Soomaaliyeed xilliyadii hore waa ay taageeri jireen in Eritrea ay madaxbanaani hesho. Marka xiriirkeena waxaa uu ku qotomaa mabaadi'da ay wadaagaan labada wadan. Booqashadanna waa in loo arkaa inay daba-joogto booqashadii madaxweyne Farmajo ee Eritrea iyo heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee u dhexeeyay Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya''. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea.

Madaxweynaha Eretria iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona Soomaaliya, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo.