Wabiga Ganges: Raggan u dhashay Hindiya waxay diyaar u yihiin iney naftooda u huraan Wabiga ay xurmeeyaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
20-kii sano ee la soo dhaafay, rag u dhashay Hindiya oo rumeysan iney sameynayaan ficil wanaagsan oo diini ah ayaa cuntada ka soomay si ay dowladda ugu cadaadiyaan iney ka dhabeyso ballan qaad ay u sameysay iney badbaadineyso wabiga ay wasakhda hareysay ee Ganges, kaasoo ah wabi ay qaddariyaan dadka heysta diinta Hinduuga.
Dhimashada nin ka mid ah dadka ugu caansan ee waday gadoodka cunto ka soomidda ah oo dhawaan u geeriyooday baahi awgeed ayaa soo jiidatay indhaha warbaahinta Hindiya iyo qeybaha kale ee caalamka.
Wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Soutik Biswas ayaa aaday gobolkaas, si uu wax badan uga soo ogaado arrintan.
Mid ka mid ah dhallinyarada lagu qaddariyo dhanka diinta Hinduuga oo ku sugan xaafad u dhow magaalada ay Hinduuga u xajiyaan ee Haridwar ayaa BBC-da u sheegay inuu dhimasho diyaar u yahay si uu wabiga u badbaadiyo.

Xigashada Sawirka, MANSI THAPLIYAL
Ninkan oo la yiraahdo Atmabodhanand ayaa ku guda jira 40 maalmood oo soon ah, kaasoo uu soo billaabay ka dib markii uu labo bilood ka hor gaajo darteed u geeriyooday ninkii ugu caansanaa dadka daggan xaafaddaas.
26 sano jirkan ayaa maalintii oo dhan wakhtigiisa ku qaata in isagoo uu buste ku dadanyahay iska yaallo geed hoostiis, halkaasoo uu ku sugayo dhimashadiisa, maadaama uusan waxba cunin.
Marka uu gabbalka dhaco, hawaduna ay xoogaa qabow noqoto, wuxuu galaa aqalka gudihiisa wuuna seexdaa.
"Geeri ayaan diyaar u ahay, xaafaddeena waxay taariikh ku leedahay iney dadkeeda naftooda u huraan waxa ay aaminsanyihiin", ayuu ku yiri wariyaha BBC-da.
7 Sano ka hor, nin lagu magacaabi jiray Swami Nigamanand, oo 36 sano jir ahaa ayaa miyir daboolmay ka dibna geeriyooday, maadaama uu cuntada ka soomanaa muddo 115 maalmood ah, wuxuuna taariikhda xaafaddan ku galay inuu noqday qofkii sameeyay gadoodkii cunto ka soomidda ee ugu wakhtiga dheeraa.
Wuxuu dalbanayay in dowladdu ay joojiso howlaha kaawo qodista ee laga sameeyo wabigaas agtiisa.
Nin kale oo 39 jir ah kana mid ah dadka xaafaddaas ayaa hadda si khasab ah cuntada lagu siiyaa, isagoo ku jira isbitaalka, si looga hor tago inuu baahi u geeriyoodo.
Hase ahaatee bishii Oktoobar ayaa waxaa indhaha warbaahinta guud ahaan caalamka soo jiitay geerida GD Agarwal, oo ahaa 86 jir horay u soo noqday injineer dhinaca arrimaha deegaanka ah.

Xigashada Sawirka, PRESS TRUST OF INDIA
Agarwal, ayaa cuntada ka soomanaa muddo 111 maalmood ah.
Inta uusan dhiman ka hor, wuxuu saddex warqadood u qoray ra'iisul wasaaraha Hindia Narendra Modi, kuwaasoo uu ugu sheegayay dalabaadkiisa.
Dadka xaafaddan ku nool waxay aaminsanyihiin mar kasta oo uu hal nin dhintaba in wabiga uu helayo fursad kale oo uu dib ugu soo noolaado.
Wabiga Ganges oo ah wabiga ugu dheer dalka Hindiya ayaa sidoo kale ah mid ka mid ah wabiyada ugu wasakhda badan caalamka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka biyaha iyo kheyraadka ee dalka Hindiya Nitin Gadkari ayaa sheegay in lacag dhan 3bilyan oo doolar loo qoondeeyay mashaariic lagu nadiifinayo wabigaas iyo nawaaxigiisaba.
Howshan ayuuna sheegay in la dhammeystiri doono sannadka dambe.
"Riyada dadka ee ku aaddan soo nooleynta wabiga Ganges waa la rumeyn doonaa" ayuu yiri wasiirku xilli uu ka qeyb galayay shir dhawaan ka dhacay magaalo madaxda Delhi.
Laakiin dadka daacadda u ah wabiga waxay ku adkeysanayaan iney gadoodka sii wadaan waxayna la tahay in dowladdu aysan sameyn dadaalkii loo baahnaa.
"Aniga ayaa ku xigi doona, safka ayaana ku jiraa, markaan ma joojin doonno", ayuu yiri Swami Punyanand oo ah 61 jir horay dukaan taleefannada lagu iibiyo ugu lahaa magaalada Delhi.

Xigashada Sawirka, MANSI THAPLIYAL
Ninkan ayaa hadda ka soomay cuntooyinka qaar, si uu ugu diyaar garoobo inuu sameeyo gadoodka cunto ka soomidda ee soconaya ilaa dhimashada.
Iyagoo adeegsanaya baahi, ayey dadkan doonayaan iney noloshooda u huraan si ay wabiga ugu helaan nolol.










