Qalalaaso dad badan ay ku dhinteen oo ka taagan Libya

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay iskudhacyo Tripoli

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay iskudhacyo Tripoli

Dalalka Maraykanka, Britain, Fransiiska iyo Talyaaniga ayaa ku baaqay in si dagdag ah loo soo afjaro rabshadaha dhimashada badan dhaliyey ee ka taagan magaalo madaxda dalka Libya ee Tripoli.

War qoraal ah oo si wadajir ah loo soo saaray ayaa lagu yidhi "in la wiiqo masuuliyiinta sharciga ah ee Libya iyo in la carqaladeeyo hannaanka siyaasadeed ee socda uu yahay wax aan la aqbali karin"

Ugu yaraan 39 qof, oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa ku dhintay isku dhacyo u dhexeeya labo maleeshiyo oo maalmahan ka socday magaalada Tripoli.

Dawladda ay Qaramada Midoobay taageerto ayaa si maqaar saar ah uga Talisa magaalada caasimadda ah, balse maleeshiyo hubaysan ayaa haysta qaybo badan oo kamid ah dalka intiisa kale.

"Waxaan ugu baaqaynaa kooxaha hubaysan in ay si dagdag ah u joojiyaan dhammaan hawlaha militari waxaan sidoo kale u digaynaa kuwa doonaya in ay wiiqaan daganaanshaha magaalada Tripoli ama qaybaha kale ee dalka Libya, in arrintaas lagula xisaabtami doono" ayaa lagu sheegay warka qoraalka ah ee sida wadajirka ah ay usoo saareen dalalka kor ku xusan.

Boqolaal muhaajiriin ah ayaa loo daadgureeyey goobo kale markii ay rabshaduhu qarxeen Tripoli

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boqolaal muhaajiriin ah ayaa loo daadgureeyey goobo kale markii ay rabshaduhu ka qarxeen Tripoli

Rabshadaha ayaa dillaacay Isniintii kadib markii maleeshiyo katimid magaalo koonfurta kaga beegan magaalada caasimadda ah ee Tripoli ay weerar ku qaadeen deegaanno kuyaal Koonfurta magalada,kuwaas oo la dagaalamaya koox taageersan dawladda uu caalamku aqoonsan yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa Jimcadii sheegtay in ugu yaraan 39 qof ay dhinteen, oo uu kamid ahaa nin u dhashay dalka Mali oo ku dhintay duqayn loo gaystay gurigiisa. Tiro kale oo dad ah ayaa lagusoo warramayaa in la dhaawacay.

Hay'adda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa cambaaraysay qalalaasaha waxayna sheegtay in ugu yaraan 18 qof oo rayid ah ay dhinteen, afar kamid ahna ay caruur ahaayeen.