Yemen: Rayid badan oo ka qaxaya Xudayda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shaqaalaha gargaarka ayaa sheegaya in rayidku ka qaxayaan magaalada dekadda ah ee Xudayda ee dalka Yemen ee ay xoogagga dawladdu doonayaan in ay dagaal kaga saaraan fallaagada Xuutiyiinta.
Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in labadii maalmood ee la soo dhaafay dad "aad u faro badani" baro kaceen. Tiro cayiman may sheegin warbixintu laakiin waxay ay tibaaxday in dadkii magaalada uga qaxayeen degmooyinka ku dhaw dhaw ee bariga iyo woqooyi kaga beegan. Iyo in qaar kale iyaguna u qaxeen ilaa magaalo madaxda Sanca ee ay fallaagadu gacanta ku hayaan.
Dawladda iyo huwanta ay xulufada yihiin ee Sucuudigu hogaamiyo ayaa horaantii bishan guluf culus ku qaaday magaalada oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan magaaladaa Xudayda.
Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ee la dagaalamaya Xuutiyiinta ayaa hore u sheegay in ay ku dhawyihiin in ay qabsadaan magaalada Xudayda .
Af-hayeenka u hadlay xulafadaas Kornayl Turki Al-Maliki, muu cadaynin in in qorshahani yahay in ay xulufadu ku doonayso in ay magaalaada ku qabsanayo iyo in kale tan iyo markii ay bilaabmeen hawlgallada milatari ee dalkaas ka socdaa.
Waxaa uu Turki shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Riyaad ku sheegay in "Xudayda ay haatan ciidamada xulufada ee halkaa hawlgalka ka wadaa ay u jiraan labaatan Kiiloo mitir"
Masuuliyiin Yemeniyiin ah ayaa mar hore wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in in ciidamadaas ku si siqayaan Xudayda laakiin aanay weli go'aansanin in ay galaan goobaha rayidku deganyihiin.
Dowladda Sacuudiga ayaa hore u sheegtay in Xuutiyiintu Badda Cas ku weerareen markab nooca shidaalka qaada ah oo halkaa marayay.
Afhayeen u hadlay isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudigu oo in muddo ah dagaal kula jiray Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in waxyeelo ay gaadhay markabka, balse uu halkaa ka sii shiraacday.
Xuutiyiinya Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen maraakiib dagaal oo ay leeyihiin isbaheysiga Sacuudigu.
Falkan ayaa dhacay iyadoo hay'adda Qaramada Midoobay ay ku howlantahay shir dhaqaale loogu uruurinayo duruufaha aademenimo ee dalkaasi.
Xoghayaha guud ee Qamada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wadahaadalada nabadadda ee Yemen.










