You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qarax loo adeegsaday baabuur oo ka dhacay Masar
Qarax loo adeegsaday baabuur lagu soo raray walxaha qarxa ayaa ka dhacay magaalada Alexandria ee dalka Masar.
Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay askari katirsan ciidammada booliskaee Masar, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen afar qof oo kale.
Wasaarada arrimaha gudaha ee Masar ayaa sheegtay in weerarkani lala eegtay sarkaal sare oo katirsan ciidammada ammaanka ee magaaladaasi oo baabuur uu sarnaa marayay goobta uu weerarka ka dhacay.
Weerarkan ayaa imanaya laba maalin kahor xiliga loo asteeyay in Masar ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada. Doorashadan ayaa waxaa ku loolamaya madaxweynaha imika talada haya ee Cabdul Fataax al-Sisi iyo dhowr siyaasiyiin ah oo aan sidaasi loo garaneynin.