You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dhulgariir laga dareemay Kuuriyada Waqooyi
Dhulgariir cabirkiisu yahay 3.4 ayaa laga dareemay Kuuriyada Waqooyi, goobta uu kasoo bilowdayna waxay 50 kilo mitir u jirtaa meel horay loogu tijaabiyay hub nukliyeer ah.
Dhulgariiryo hore ayaa ka dhashay tijaabo hubka wax gumaada ah oo ay samaysay Kuuriyada Waqooyi.
Khubarada ku xeeldheer dhulgariirka ee Shiinaha ayaa sheegay "in la tuhunsan yahay in qarax uu dhaliyay" dhul ruxanka maanta. Balse Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay suuragal tahay in dhulgariirka uu yahay mid dabiici ah.
Xukuumadda Pyongyang ayaa 3-dii bishan samaysay tijaabo ballaaran oo nukliyeer ah, taasoo si weyn looga dhaleeceeyay golaha loo dhan yahay Qaramada Midoobay.
Awoodda dhulgariirka maanta ayaa la sheegay inay ka yartahay kuwii horay loo dareemi jiray marka ay Kuuriyada Waqooyi tijaabiso hubka halista ah.
Kii ugu dambeeyay ayaa cabirkiisa lagu sheegay lix dhibic saddex.