Hogaamiyayaasha Catalonia oo ku heshiiyay qabashada afti madax bannaani

Hogaamiyayaasha siyaasadda ee gobolka Catalonia ayaa saxiixay heshiis ay ku baaqayaan in gobolkaasi ay 1-da bisha Oktoobar ka dhacdo afti loo qaadayo inuu ka go' Spain iyo in kale.

Goor sii horaysayna, baarlamaanka gobolkaasi ayaa ansixiyay sharci ogolaanaya in afti loo qaado madax bannaanidiisa.

Xukuumadda Madrid oo si weyn u diiddan tallaaba kasta oo uu gobolka Catalonia kaga go'ayo Spain, ayaa go'aannadan ku tilmaamtay kuwo sharci darro ah.

Dowladda Spain ayaa ka codsaday maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaasi inay waxba kama jiraan ka dhigto go'aanka baarlamaanka Catalonia, isla markaana dacwad dembiyeed ay kusoo oogto afhayeenka baarlamaankaasi.

Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Spain, Soraya Saenz de Santamaria, ayaa ku tilmaamtay go'aanka siyaasiyiinta Catalonia mid laga xishoodo.