You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Booliska Finland oo baaraya weerar ka dhacay magaalada Turku
Booliska dalka Finland ayaa sheegay inay baarayaan nin toorey ku hubeysnaa oo dad ku laayay magaalada Turku oo ku taala koonfurta bari ee dalkaasi. Boolisku waxaa kale oo ay sheegen inay doonayaan in ay ogadaan in falkan uu yahay mid argagixiso iyo inkale.
Labo qof ayaa ku dhimatay weerarka, halka sideed qof oo kale na ay ku dhaawacmeen. Seddex kamid ah dadka dhaawacmay ayaa la sheegaya in xaaladoodu ay aad u liidato.
Waxaa kale oo ay boolisku intaa ku dareen inay aqoonsadeen nin ka soo jeeda dalka Moroco oo la rumesanyahay in uu ka dambeeyay weerarka ka dhacay Turku.
Wararka qaar na waxaa ay sheegayaan in ninka weerarka geystay uu toorey-da la dhacay dadkii ku sugnaa bartamaha magaalada kahor inta aanay xabsiga dhigin ciidamada booliska.