You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sucuudiga oo isku shaandheeyey waaxda nabadgelyada
Qaraarro boqortooyo oo dhawr ayaa Sucuudigu soo saaray kuwaas oo lagu bilaabay isku shaandhaynta saraakiil sar sare.
Waxaana ka mid ah meelahaa isku shaandhaynta lagu sameeyay waaxda nabad sugidda si wax looga qabto argagixisada iyo arimaha la xidhiidha, waaxdaas oo markii hore hoos tagi jirtay wasaaradda arimaha dibadda.
Qaraarrada la shaaciyey waxa ka mid ah in la bedeli doono taliyaha ilaalada boqortooyada, halka dhawr xil oo cusubna la shaaciyey oo ka mid noqon doona kooxda la shaqaynaysa amiirka dhaxal sugaha ah ee Maxamed Bin Salmaan.
Bishii hore ayaa amiir Maxamed oo kow iyo soddon jir ahi noqday dhaxal sugaha koobaad ee taajka Sucuudiga.
Waxaanay arintaasi noqotay dallacsiintii u dambaysay waxa lagu sheegay dallacaad sida hillaaca ah oo amiirkani helay tan iyo markii aabihii Boqor Salmaan awoodda la wareegay.