You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Qarax Muqdisho ka dhacay oo toban qof ku dhinteen
Qarax xooggan ayaa maanta duhurkii ka hor ka dhacay meel u dhaw xarunta wasaaradda gaashaan dhigga Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoog ahaa ayaa weriyaha BBC-da ee Muqdisho u sheegay in ay halkaa ku dhinteen ugu yaraan toban qof intaa ka badana ay ku dhaawacmeen.
Waxa qarxay wuxu ahaa gaadhi walxaha qarxa lagu soo rakibay oo duqeeyey baabuur kale oo ay saarraayeen saraakiil ciidanka Soomaaliya ka tirsan.
Inta badan dadka ku dhintay qaraxan waxay ahaayeen rakaab saarnaa gaari mararay waddadaasi marka uu qaraxu dhacay.
Kooxda Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliayda weerarkan.
Waa weerarkii ugu dambeeyay qaraxyo is xigxiga oo magaalada Muqdisho ka dhaca maalmihii la soo dhaafay.