You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Fransiiska oo albaabada isugu dhufanaya warshad Nukleyr
Wasiirka arrimaha deegaanka ee dalka Fransiiska Segolene Royal ayaa ku dhawaaqay in gebi ahaanba ay xirayaan xarun Nukleyr oo qadiimi ah, taa oo ku taala deegaanka Fessenheim ee bariga dalka Fransiiska.
Waxaa jiray walaac laga muujiyay badqabka shirkadani oo ku taala meel ay dadku ku badanyihiin, Kana ag dhaw xadka Fransiisku uu la leeyahay dalka Jarmalka iyo Switzerland.
Qorshahan albaabada la isugu dhufanayo shirkadani Nukleyrka ayaa timid kaddib markii uu ballan qaaday madaxweyne Francois Hollande xiligii ololaha doorashada ee uu ku guuleystay sanadkii 2012.ka