You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Madaxweyne Farmaajo oo musiibo qaran shaaciyay
Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa shaaciyay in abaarta saameysay dalka ay tahay musiibo qaran.
Waxa uu ka codsaday Soomaalida, gaar ahaan kuwa qurbaha ku nool iyo weliba beesha caalamka in ay u gurmadaan dadka abaartu saamaysay.
Soomaaliya ayaa ka mid ah dhowr dal oo qarka u saaran in ay ka dilaacdo macluul.
Waxaa laga cabsi qabaa in abaarta haatan ka taagan qeybo badan oo ka mid ah Bariga Afrika ay noqoto mid la mid ah tii sanadkii 2011, taasoo dhalisay khasaaro badan.
Qaramada Midoobay ayaa codsatay lacag ku dhaw 4.4 bilyan oo dollar, si looga hortago in ay macluul ka dilaacdo dalalka kala ah: Soomaaliya, South Sudan, Yemen iyo Nigeria.
Waddamadaasi ayaa dhammaantood waxaa abaarta ka sokow ka taagan dagaallo.