You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Wadahadalladii Gambia oo fursad kale la siiyay
Madaxweynayaasha gobolka galbeedka Afrika ayaa tijaabinayey isku daygoodii ugu dambeyey in ay ku qanciyaan Yaxya Jammeh in uu xilka baneeyo, inkastoo uu dhamaaday wakhtigii kama dabaysta ahayd ee loo qabtay.
Madaxweynaha dalka Guinea, Alpha Conde iyo dhigiisa dalka Mauritania Mohamed Cabdul-caziiz ayaa dib ugu laabtay caasimadda dalka Gambia ee Banjul.
Ciidammada wadamada galbeedka Afrika ayaa hakiyey qorshohoodii militari inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.
Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar uun ka dib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow.
Waxaa lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.
Jammeh ayaa diiday in uu xilka baneeyo kaddib doorashadii bishii disembar la qabtay ee looga adkaaday.