You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ciidanka Ciraaq oo magaalada Mosul badhkeed gacanta ku dhigay
Ciidamada Ciraaq oo isku dayeya in ay kooxda la baxday Dowladda Islaamka ka saaraan magaalada Mosul, ayaa sheegay in ay haatan dhawr boqol oo mitir u jiraan webiga Dajla ee kala qaybiya magaalada.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada dowladda waxa mar la baad u suurtowday in ay ku siqaan dhanka bari ee magaalada Mosul dhawr todobaad oo is mari waa ahaa ka dib.
Saaka, ayaa waxay sheegeen in ay qabsadeen xaafad kale oo la yidhaa Al-Qufraan ka dib markii ay Jimcihii gacanta ku dhigeen degmada Al-Muthana.
Kooxda Daacish ayaa weli magaalada daanteeda galbeedka kaga taal webiga Dajla gacanta ku haya.