You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Merkel: Argagaxisada ‘khatar weyn’ ayey nagu yihiin
Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegaysa in argigixisada ay tahay caqabadda ugu weyn ee dalkeeda uu wajahayo.
Fariinteeda sanadka cusub ay dirayso, ayaa Mrs Merkel waxay arrintaasi la xiriirinaysay weerarkii ninkii reer Tunisia u gaariga dadka ku jirsiiyay magaalada Berlin.
Weerarka suuqa Breitscheidplatz ayaa waxaa ku dhintay 12 qof, 49 kalena waa ay ku dhaawacmeen
Mrs Merkel ayaa sheegtay inay aad uga xumaatay marka ay aragtay in falalka argigixisinamo ay geysanayaan dad magangalyo ka dalbaday Jarmalka.
Dhanka kale Merkel ayaa sidoo kale ka digtay in dhamaan dadka lala xiriiriyo argigixisanimada, waxaayna ugu baaqaday shacabkeeda inay u naxariistan dadka kale ee aan waxba galabsan.