You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Boqolaal ku dhimatay xeebaha Liibiya
In ka badan 239 muhaajiriin ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen laba doonyood oo ku degay meel ka baxsan xeebaha Liibiya, sida ay sheegeen saraakiil muhaajiriinta ku howlan.
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa waxaa warkan u sheegay laba qof oo ka badbaaday doonyahaasi, isla markaana gaaray jasiiradda Talyaaniga ku taalla ee Lampedusa.
Ilaa iyo hadda ma jiraan meydad laga helay doonyahaasi.
Sida uu sheegay ururka caalamiga ah ee socdaalka, in ka badan 4,200 oo qof ayaa ku dhintay badda Mediterranean sanadkan oo keliya.
Qaar badan oo ka mid ah dadka dhawaan ku dhintay baddaasi ayaa la rumeysan yahay in ay ka tageen Galbeedka Afrika.