You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Dooni tahriibayaal siday oo xeebta Libiya lagu weraray
Kooxdani oo layidhaa Sea Watch ayaa sheegay in iyaga oo gargaar u qaybinaya muhaajiriinta ,ay weerartay doon nooca dheereeya ah oo ay leeyahiin ilaalada xeebaha ee Libiya.
Kooxdani weerarka soo qaaday ayaa muhaajiriinta ulo ku garaacay isla markana badda ku tuuray, intoodii badanayd waa la badbadiyey lakiin waxaa la helay afar mayda iyada oo 25 tahriibana wali la baadi goobayo meel ay jaan iyo cidhib dhigeen