You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ruushka oo joojiyay duqeyntii bariga Xalab uu ka waday
Wasiirka difaaca dalka Ruushka, Sergei Shoigu, ayaa waxa uu sheegayaa in ciidamadooda iyo kuwa Suuriya ay joojiyeen duqeyntii ka wadeen Xalab.
Tallaabadan ayaa imaaneyso laba maalmood ka hor xilligii la qorsheeyay in duqeynta la joojiyo.
Ma jirto wax faafaahin dheeraad ah oo ay Ruushka ka bixiyeen arrintan, balse u jeedada guud waxa ay tahay in shacabka iyo mucaaradka ay ka baxaan qeybta go'doonsan ee Xalab.
Waxaa loo furay laba marina ama wado oo ay ka bixi karaan inta lagu guda jiro sideeda saacadood ee duqeynta ay hakadka ku jirto.
Isniintii, Wasiirada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub waxay si adag u cambaareeyeen xukuumadda Moscow oo ay ku eedeeyeen in dhibaato aanan laga sheekeyn karin ka geysteen Xalad.
Waxay intaasi ku dareen in tallaabada noocaas ah ay keeni karto dembiyo dagaal.