You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Buhari oo billaabay ol'ole anshaxa lagu hagaajinayo
Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari, ayaa billaabay ol'ole qaran oo lagu doonayo in lagu hagaajiyo dabeecadaha dadka.
Wuxuu sheegay in dhaqamo badan oo wanaagsanaa lagu badalay khayaano, dulqaad la'aan, wahsi, musuqmaasuq aan xakamaysnayn iyo isla xisaabtan la'aan baahsan.
Buhari ayaa sheegay in arrimahaas dib u socodnimada ah ay qayb ka yihiin dhaqaalaha Nigeria ee aadka u liicaya.
Ol'olahaas waxaa loogu magac daray isbadalku aniga ayuu iga bilawdaa.
Buhari markii koobaad ee uu madaxwayne noqday 1980-tameeyadii wuxuu bilaabay wax uu ugu magac daray dagaalka ka dhanka ah anshax darrada