You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Afhayeenka IS oo lagu dilay Suuriya
Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa shaaciyay in mid ka mid ah saraakiisha sare lagu dilay dalka Suuriya.
Abu Maxamed al-Cadnani, oo ahaa afhayeenka ururkaasi ayaa lagu dilay iska hor imaad ka dhacay gobolka Xaleb, sida lagu sheegay barta internet-ka ee Amaq, ee xiriirka la leh dowladda Islaamiga.
Ururka ayaan ka hadlin xilliga uu dhintay sarkaalkaasi.
Mas'uul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca ee Maraykanka, ayaa BBC u sheegay in ay qiimeynayaan duqeyn cirka ah oo Talaadadii loo geystay deegaanka al-Bab ee waqooyi bari Xaleb.
Waaxda arrimaha dibedda ee Maraykanka ayaa al-Cadnani ku tilmaamtay in uu yahay argagixis caalami ah, waxaana madaxiisa dulyaalay 5 milyan oo dollar.