Weriyeyaal lagu xiray Berbera

Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyay xariga laba weriye oo booliiska Berbera ku xireen magaaladaasi Talaadadii.
War-saxaafadeed uu soo saaray ururkaasi ayaa lagu sheegay in weriye Axmed Saciid Maxamed oo ka tirsan TV Kalsan iyo weriye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo u shaqeeya TV Somalinews loo xidhay kadib markii ay baahiyeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Berbera oo su'aalo la xidhiidha wareejinta dekedda Berbera ay weydiiyeen wafdi ka socday shirkadda Dubai Ports World oo booqday Berbera seddax maalmood ka hor.
SOLJA waxuu sheegay in xariga weriyaasha uu amray duqa Berbera iyadoo bay yiraahdeen ay soo kordhayaan beryahan danbe tallaabooyin masuuliyiinta dawladda Somaliland qaarkood ugu hanjabayaan , kuna xirayaan war-fidiyeenada.
Boliiska Berbera ayaa BBC u xaqiijiyay xiritaanka labada weriye.
Weriye saadexaad ayaa isna maanta lagu xiry magaalada Berbera. Mubaarik Nirig wuxuu tv-ga SATAR uga soo warrama gobolka Saaxil.






