Baaritaan lagu samaynayo badalaada DNA

Xigashada Sawirka,
Saynisyahanada UK ayaa la siiyay ogolaansho ka helay hayadda u qaabilsan ilmaha ee Human Fertilisation iyo Embryology
Baaritaanka ayaa lagu samayn doonaa Francis Cricks Institute ee London, iyadoo ujeedadu tahay in la fahnmo waqtiyada hore ee bini'aadanka uu uurka ku abuurmayo.
Tijaabada ayaa dhici doonta toddobada bari ee ugu horaysa kadib ilamaha markay abuurmaan, waxaana wax laga ogaan karaa waxa waxilmaha uurka ku dhinta.
Waa sharci daro inay saynisyahanada ku abuuraan ilmo haween.
Geneka oo la badalo ayaa ah in la badalo DNA oo aas aas u ah qofka.
Markii ugu hoaraysay ayaa sanadkii saynisyahanada Shiinaha ay ku dhawaaqeen inay badaleen Geneka markay ilamaha samaysmayeen si ay u saxaan DNA sababta cudur ku dhaca dhiiga.
Baaritaankan ayaa keenay muran badan, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in baddalaada DNA marka ilamaha ay samaysmayaan ay tahay faragalin badan taasoo albaabka u furaysa ilmo gacanta lagu samaynayo.






