
Gawaarida gaashaaman ee Ciidmmada Faransiiska
Sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga ee Faransiiska, kolonyo ciidammo Faransiis ah oo wata gawaarida Gaashaaman ayaa ka dhaqaaqay caasimadda dalka Mali ee Bamako habeenkii xalay iyagoo ku sii jeeda dhinaca woqooyiga dalkaas taasoo muujinaysa inuu sii xoogeysanayo dagaalka dhulka ee lagu qaadayo kooxaha Islamiga ah.
Taliyaha ciidammada Faransiiska Admiral Edouard Guillaud waxaa uu sheegay in ciidammadu dagaalka toos u geli doonaan saacado gudahood.
Ciidammada Faransiisku waxay hore dhulkaas ugu qaadeen weerarro dhinaca cirka ah si ay u xoojiyaan ciidammada dowladda Mali oo dib u dhac weyn kala kulmeen dagaalka ay kula jireen kooxaha Islaamiga ah.
Intii aanu dagaalku bilaaban France waxay sheegeen inay bixinayaan taageero xagga cirka iyo sahayda ah oo keliya. Haatan waxay u muuqataa inay dagaalka hoggaaminayaan.