Qorsheyaasha aaska Boqoradda: Waxyaabaha dhici doona maanta

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, The Visual Journalism Team
- Role, BBC News
Kaddib dhowr maalmood oo ay taallay dhismaha dowladda, meydka Boqoradda geeriyootay ee Queen Elizabeth II ayaa subaxda Isniinta billaabi doona safarkiisii ugu dambeeyay oo qeyb ka ah aaska weyn ee dowladda - waxaa marka ugu horreysa la geyn doonaa Macbadka Westminster, oo loogu sameyn doono adeeg diimeed oo ay goobjoog ka yihiin kumannaan qof, kaddibna waxaa loo qaadi doonaa Qasriga Windsor oo laagu sameynayo adeeg kaas kasii dhow, ugu dambeyntiina, waxaa loo aasi doonaa si khaas ah.
Waxa ay noqon doontaa maalin dareenku kacsan yahay, munaasabado badan, oo nooceeda ahna aan la arkin tan iyo markii ugu dambeysay ee aaska dowladda loo sameeyay Winston Churchill, ku dhawaad 60 sano ka hor. Boqoradda lafteeda ayaa qorsheyaasha qaar si shakhsi ah ugu soo dartay, sida uu sheegay Qasriga Buckingham.
Tani waa faahfaahinta dhacdooyinka maanta oo ah Isniin, 19-ka September.

Waxaa dhammaanaya waqtiga ay Boqoradda oolleyso hoolka Westminster ee ku yaalla bartamaha London, xilli subax hore ah ayaana laga qaadayaa meesha. Kumannaan qof ayaa saf ugu jira si ay u arkaan naxashkeeda.

Meel aan sidaas uga fogeyn, Macbadka Westminster, ayaa albaabbada loo furi doonaa si ay martida u timaato ka hor inta aan la billaabin adeegga-diimeed ee ducada ah oo ku beegan 11:00.
Madaxda dalalka caalamka ayaa u duulayay UK si ay xubnaha Qoyska Boqortooyada ugu weheliyaan xusuusta noloshii Boqoradda iyo ducada. Siyaasiyiinta sarsare ee UK iyo Raysul wasaareyaashii hore ayaa sidoo kale ku sugnaan doona halkaas.
Xubnaha qoyaska boqortooyooyinka Yurub, oo qaar badan oo ka mid ah ay qaraabo dhiigga ah la yihiin Boqoradda, ayaa la rajeynayaa inay soo xaadiraan - Boqor Philippe-ka Belgium iyo Boqorad Mathilde iyo Boqor Felipe-ka Spain iyo Boqorad Letizia ayaa halkaas joogi doona.

Waqtigaas marka la joogo, waxaa billaaban doona qeybta munaasabadaha ee maalinta, markaas oo naxashka Boqoradda laga soo qaadi doono alwaaxa dhisan ee uu saarnaa tan iyo galabnimadii Arbacada, waxaana loo qaadi doonaa Macbadka Westminster oo loogu duceyn doono.

Waxaa meydkeeda lagu qaadi doonaa kareetada Qoriga Dowladda ee Ciidanka Boqortooyada, oo ay sameeyeen 142 badmaax. Kareetadaas waxaa markii ugu dambeysay la arkay 1979-kii, xilli aas loo sameynayay Amiir Philip abtigiis, waxaana loo adeegsaday aaska Boqoradda aabeheed, George VI, sanadkii 1952.
Xubnaha sarsare ee Qoyska Boqortooyada, oo ay ka mid yihiin Boqorka cusub iyo wiilashiisa Prince William iyo Prince Harry, ayaa raaci doona kareetada.
Baambeyda iyo durbaanleyaasha Scottish-ka iyo Irish-ka ayaa hoggaamin doona munaasabadda, iyagoo ay wehlinayaan xubno ka tirsan Ciidanka Cirka ee Boqortooyada iyo ciidanka Gurkhas.
Jidka waxaa la safi doonaa Ciidanka Badda Boqortooyada, ciidanka Militeriga, halka koox salaan sharaf bixineysana oo ka kooban saddexda nooc ee ciidanka ay istaagi doonaan fagaaraha Baarlamaanka, kuwaasoo ay wehlin doonaan kooxaha muusikada ee militeriga Boqortooyada.

Munaasabadda aaska Boqoradda, oo la filayo in ay ka qeyb galaan marti gaareysa 2,000 oo qof ayaa ka billaaban doonta Macbadka Westminster.
Waxa uu noqon doonaa aas dowladeed - oo ah munaasabad si gaar ah loogu sameeyo boqorrada ragga iyo dumarka isugu jira, waxaana la raacaa sharciyo adag oo ku saabsan nidaamka, sida soo bixitaanka militeriga iyo in meydka la dhigo dhismaha dowladda.
Macbadka lagu qabanayo munaasabadda aaska waa kaniisad taariikhi ah oo lagu boqro boqorrada ragga iyo dumarka ah ee Britain, waxaana lagu boqray Boqoradda lafteeda sanadkii 1953. Waxa ay ahayd meeshii marka ay ahayd Princess Elizabeth ay ku guursatay Prince Philip sanadkii 1947.

Aas boqor ama boqorad kama dhicin macbadkan tan iyo qarnigii 18-aad, inkastoo boqoradda hooyadeed aas loogu sameeyay sanadkii 2002.
Ducada waxaa hoggaamin doona madaxa Xarunta Westminster, David Hoyle, oo uu wehliyo wadaadka lagu magacaabo Justin Welby. Raysul Wasaare Liz Truss ayaa cashir ka aqrin doonta halkaas.

Marka loo dhawaado gabogabada munaasabadda aaska waxaa loo gudbi doonaa qeylo dhaanta - oo ah in si kooban loo yeerin doono dhawaaqa buunka - waxaana xigi doona labo daqiiqo oo aamusnaan qaran ah.
Astaanta qaranka iyo baroor uu ka dhawaajin doono fannaanka Boqoradda ayaa lagu soo afjari doonaa munaasabadda oo xirmeysa abbaare maalinta dhexdeeda.

Marka ay dhammaato ducada, naxashka Boqorada ayaa lagu kaxeyn doonaa socod, laga soo bilaabo Macbadka ilaa buundada Wellington Arch, oo ku taalla beerta London ee Hyde Park Corner.
Iyadoo jidka ay ku safan yihiin ciidamo militari ah iyo booliis, saacadda taallada Big Ben waxay sameyn doontaa hal daqiiqo oo dhextaal ah iyadoo socodka uu si tartiib tartiib ah ugu siqayo wadooyinka caasimadda. Madaafiicda salaanta ah waxay daqiiqad kasta kasoo bixi doonaan Hyde Park.
Dadku waxay si shakhsi ah uga daawan karaan socodka meelaha loo qoondeeyay ee ku teedsan waddada.
Camilla, oo ah boqorka xaaskiisa, Princess Wales, Amiiradda Wessex iyo Amiiradda Sussex ayaa dhammaantood socodka uga qeyb qaadan doona iyagoo gawaari saaran.
Marka la aagro buundada Wellington, saacaddu marka ay tahay abaare 13:00, naxashka ayaa loo gudbin doonaa gaariga cusub ee lagu qaadayo, waxaana loo kaxeyn doonaa safarkii ugu dambeeyay ee lagu geynayo Qasriga Windsor.
Socodka oo ay hogaaminayaan ciidamada booliska ee Royal Canadian ayaa laga dhigi doona toddobo kooxood oo mid walba uu leeyahay koox muusig ah oo u gaar ah. Askarta ka socota ciidamada kala duwan ee hubaysan ee ka socda Boqortooyada Midowday (UK) iyo dalalka Barwaaqo-sooranka, booliiska iyo NHS-ta ayaa sidoo kale ka qayb qaadan doona.
Mar kale boqorku wuxuu hogaamin doonaa xubnaha Qoyska Boqortooyada oo daba socda kareetada qoriga ee wadda naxashka Boqorada.
Camilla, Consort Queen, Princess of Wales, Countess of Wessex iyo Duchess of Sussex ayaa ku biiri doona socodka baabuurta.
Marka la gaaro Wellington Arch, abbaaraha 13:00, naxashka waxaa loo wareejin doonaa Hearse-ga cusub ee Gobolka si uu ugu tago qalcadda Windsor.
Qasriga waxaa si isdabajoog ah u kala dhaxday 40 boqor iyo boqorad oo xukunka hayay ku dhawaad 1,000 sano, waxa uuna saameyn weyn ku leeyahay boqoradda nolosheedii oo dhan.
Iyadoo dhowr iyo toban jir ah ayaa qasriga loo diray sannadihii ay dagaallada socdeen kaddib markii ay London wajahday haliska bambooyinka diyaaradaha, mar dhowna waxayba ka dhigatay gurigeeda rasmiga ah intii lagu xiray safmarka fayraska corona.

Gaariga wada naxashka ayaa la filayaa inuu socodka la imaado jidka lugeynta dheer ee Qasriga Windsor. Waddadaas oo dhirirkeedu yahay saddex meyl (5km) waxaa ku safnaan doona ciidamada militeriga ee hubeysan.
Shacabka ayaa loo oggolaan doonaa waddada dheer si ay u daawadaan socodka lagu gudbayo.
Boqorka iyo xubnaha sarsare ee Qoyska Boqortooyada ayaa la filayaa in ay goor xoogaa dambe ku biiraan socodkaas marka uu marayo qeybta afar xagalka ah ee Qasriga Windsor.
Ganbaleelka Qasriga iyo gambaleellada taallooyinka ee bandowga ayaa la garaaci doonaa daqiiqad kasta, madaafiic salaan sharaf ahna waxaa laga ridi doonaa barxadda Qasriga.

Kaddib naxashka ayaa la gelin doonaa kaniisadda St George's Chapel oo duco khaas ah loogu sameyn doono.
St George's Chapel waa kaniisadda ay sida joogtada ah Qoyska Boqortooyada ugu sameystaan aroosyadooda, munaasabad diimeedyada iyo aasaska.
Waa meesha Amiirka iyo Amiiradda Sussex, Prince Harry and Meghan, ay isku guursadeen sanadkii 2018, waana meesha lagu qabtay aaskii Boqoradda seygeedii, Prince Philip.
Ducada khaasha ah, oo ay dad intii hore ka tiro yar oo ah 800 ka qeyb geli doonaan, waxaa hoggaamin doona madaxa Windsor David Conner, isagoo garab ka helaya wadaad diimeedka lagu magacaabo Justin Welby.
Munaasabaddan waxaa qeyb ka ahaan doona ficillo dhaqameed oo muujinaya gabogabada muddo xileedkii Boqoradda.
Taajka boqortooyada iyo, astaanta boqortooyada ee dusha sare ku leh istallaabta iyo garruunka ayaa laga dul qaadi doonaa naxashka, iyadoo halkaas lagu kala kaxeyn doono Boqoradda iyo taajkeeda markii ugu dambeysay.
Ficilka ugu dambeeya marka la dhammeeyo, Boqorka ayaa calanka midabka Boqoradda ee ay leeyihiin ilaalada Grenadier dul saari doona naxashka. Ciidanka ilaalada ah ee Grenadier waa askarta ugu sarreysa ee dhinaca lugta ee fulisa munaasabadaha waajibaadka ah ee boqortooyada.
Islamarkaas, sarkaalka mas'uulka ka ah ilaalada Boqortooyada, ahna madixii hore ee MI5, Baron Parker, ayaa jebin doona calaamadda muujineysa xafiiskiisa waxa uuna dul saari doonaa naxashka.
Jebinta astaantaas waxay muujineysaa in uu soo dhammaaday waqtigii shaqada uu u hayay qofka ugu sarreeyay Qoyska Boqortooyada.
Boqoradda ayaa markaas hoos loogu dhigi doonaa qeybhoose oo ka mid ah dhismaha, turunbada qarankana waxaa la yeerin doonaa ka hor inta aan loo duceynin boqorka laguna heesin Ilaah ha badbaadiyo Boqorka.
Bandhigga kooxda turunbada ee Qasriga Windsor waa qeyb ay boqoradda si shakhsi ah u codsatay, sida uu sheegay Qasriga Buckingham.

Munaasabaddii khaaska ahayd way dhammaaneysaa, Boqorka iyo xubnaha kale ee Qoyska Boqortooyaduna way ka tagayaan kaniisadaa.

Fiidnimadaas, inta ay socoto munaasabad khaas ah oo ay qoysku sameysan doonaan, ayaa Boqoradda lala aasi doonaa seygeedii geeriyooday, oo ahaa amiirkii Edinburgh, oo ku aasan goobta xasuusta u ah Boqor George VI, oo ku taalla gudaha kaniisadda St George's Chapel.
Dhagaxa fidsan ee qabrigeeda astaanta u ah waxaa lagu qori doonaa ELIZABETH II 1926-2022.











