Taiwan: Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Joe Biden

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.
War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay ay "Ka adkaan doonaan isku day kasta" oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan.
Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku "uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan" uuna "soo farogelinayo" arrimaha Shiinaha.
"Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labolabayn doonno inaan qaadno dagaal," ayuu yiri Janaraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.
"Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Muxuu ahaa hadalka Biden?
Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay "khatar ku ciyaarayso" maadaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan.
Biden ayaa xilligaas wacad ku maray in Mareykanku uu jasiiraddan militeri ahaan u difaaci doono haddii lasoo weeraro.

Xigashada Sawirka, EPA
Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay Taiwan, balse Taiwan ayaa isu aragta dowlad madax bannaan.
Sidoo kale maamulka Taiwan ayaa Mareykanka u arka xulafadooda ugu wayn, halka Washington ay leedahay sharci dhigaya in Mareykanku uu garab istaago jasiiraddan si ay u isu difaacdo.
Xaaladda ayaa sii xumaatay kaddib markii Shiinaha uu billaabay inuu si joogto ah diwaaradihiisa dagaalka ugu diro hawada Taiwan - waxayna diyaaradahaasi duullimaadyadoodii ugu badnaa sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay.
Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa ku sugan biyaha Taiwan, iyagoo diyaar u ah inay jawaab ka bixiyaan tallaabo kasta oo militeri.
Ma laga yaabaa inuu dagaal ka dhex qarxo Mareykanka iyo Shiinaha?
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu waawayn ee laga cabsi qabo waa in uu dagaal qarxi karo haddii Shiinaha uu go'aansado inuu ciidamadiisa ku fasaxo Taiwan.

Xigashada Sawirka, EPA
Dowladda Shiinaha ayaa horay u sheegtay inay suuragal tahay in ay xoog ku qabsadaan jasiiraddan haddii loo baahdo.
Hase yeeshee dadka falanqeeya ama u kuur gala xaaladdan ayaa sheegaya in xilligan aysan u badnayn inay taasi dhacdo.
Waxaa kale oo jirtay dood in muddo ahba socotay oo ku saabsan in Shiinaha uu haysto awood uu ku qaado tallaabo noocaas ah oo deg deg ah, xilli Taiwan ay waayadii dambe si wayn sare ugu qaadday awooddeeda difaaca hawada iyo badda.

Xigashada Sawirka, TAIWAN PRESIDENTIAL OFFICE
Balse khubaradu waxay aaminsan yihiin in dagaal uu Shiinaha ku qaado Taiwan uu noqon doono mid waxyaabo badan ku baxaan, saamaynta ka dhalanaysana aysan noqon doonin oo kaliya mid ku eg Shiinaha balse sidoo kale gaari doonta guud ahaan caalamka.
"Waxaa taagan xiisad aad u wayn, balse Shiinuhu haddii uu doonayo inuu weeraro Taiwan waa in uu si aad ah uga taxaddaro, sababtoo ah waxaa hadda cashir laga bartay xasaradda ka taagan Ukraine," ayuu yiri William Chong, oo ah xubin sare oo ka tirsan machadka daraasaadka ee Koonfurta-bari Aasiya.
Dhaqaalaha Shiinaha ayaa si aad ah ugu tiirsan caalamka, si ka badan sida uu dhaqaalaha Ruushka ugu tiirsanaa dibadda, sida uu falanqeeyahaasi sheegay.
Mid ka mid ah arrimaha soo dedejin kara inuu dagaal qarxo waa haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo madaxbannaanida Taiwan. Tallaabada noocan ah ayay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ying-wen iska ilaalisaa, iyadoo shegeta in dalkeeda uu wali ku jiro xaalad madaxbannaani raadis ah.












