Xiriirka Sacuudiga iyo Turkiga: Ankara oo go'aan kasoo saartay booqasho uu Maxamed Bin Salmaan ugu socdo dalkaas

Xigashada Sawirka, Reuters
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Mevlut Chavushoglu, ayaa sheegay in heshiis laga gaaray arrinta ku saabsan booqasho uu dhawaan dalkaas ku tagayo Dhaxa-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan.
Hase yeeshee wali ma cadda goorta uu ku beegan yahay safarka uu Maxamed Bin Salmaan ugu wajahayn yahay Turkiga.
"Booqashada dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan, waxay dhacaysaa bishan gudaheeda, waan isku raacnay go'aankeeda," ayuu warbaahinta Turkiga ku yiri Mr Chavushoglu.
Waxa uu sidoo kale sheegay in uu wadahadal kula jiro Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, si loo asteeyo taariikhda ay ku beegmayso booqashada.
Marka taas laga soo tago, waxa uu dhanka kale sheegay in Turkiga ay ka shaqeynayaan sidii caadi loogu soo celin lahaa xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga.

Xigashada Sawirka, Reuters
Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada waddan ayaa aad u xumaaday sanadkii 2018-kii, markaas oo Xubno ka tirsan sirdoonka Sacuudiga ay magaalada Istambul ku dileen wariye reer sacuudi ahaa oo lagu magacaabi jiray Jamaal Khaashuqji.
Dilka Khaashuqji ayaa la sheegay inuu ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, inkastoo aan meydkiisa la helin ilaa hadda.
Maxamed Bin Salmaan qudhiisa ayaa ka mid ah dadka lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falkaas, Sacuudigana dhacdadaas kaddib waxay isku xumaadeen dhowr dal.
Xiisadda u dhaxaysay labada waddan ayaa kahfiiftay kaddib markii uu dabayaaqadii bishii April madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, booqasho ku tagay Sacuudiga.
Booqashadaas kaddib waxaa la aaminsanaa in madaxda Sacuudiga ugu sarraysa ay iyagana tagi doonaan Turkiga.

Xigashada Sawirka, POMED (THE PROJECT ON MIDDLE EAST DEMOCRACY)
Ilo wareedyo ku dhow labada dowladood ayaa laga soo xigtay in markii uu Erdogan booqday Sacuudiga uu marti qaad u diray Maxamed Bin Salmaan, mas'uuliyiinta labada dhinacna ay ka shaqeynayeen arrintaas.
Sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga ayaa waraysi uu siiyay wargayska Daily Sabah ku yiri: "Intii ay booqashada socoto, waxay labada dhinac ka wada xaajoon doonaan arrimo ku saabsan ganacsiga iswaydaarsiga ah, horumarka gobolka, suurtagalnimada iswaydaarsiga lacagaha iyo mashaariic dhinaca tamarta ah oo ay wehliyaan maalgashiyo kale."
Turkiga iyo Sacuudiga ayaa aaminsan in hagaajinta xiriirkooda uu yahay mid u wanaagsan labada waddanba, maadaama xilligan ay xiisado dagaal ka taagan yihiin meelo ka mid ah dunida.
Sii xumaashada xiriirkooda ee daba socday dilkii Khaashuqji ayaa si gaar ah u saameeyay dhaqaalaha Turkiga iyo Sacuudiga.
Wadashaqeyntii labada geesooska ahayd ee ganacsiga dalalkan ayaa hoos u dhacday qiyaastii $5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.
Sidoo kale dhaqaalaha Turkiga ayaa hoos usii dhacayay muddooyinkii ugu dambeeyay.
Erdogan ayaa u muuqda inuu si khaas ah u danaynayo hagaajinta xiriirka kala dhaxeeya Sacuudiga, si uu sare ugu qaado dhaqaalaha sii liicaya iyo si uu u xoojiyo siyaasadda arrimaha dibadda.












