Ganacsiga Dahabka: Waxyaabaha muhiimka ah ee la eego marka dahabka la iibsanayo

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadii aad siiso 10 garaam oo dahab ah kuwa dahabka sameeya, waxaan ku siinaynaa faraanti dahab ah oo dhan 10.44 garaam. Haddaba ma garanaysaa sababta sababta uu u batay miisaanka oo intaas ka yaraa markii hore? Yaa faa'iidaya?
Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in aad ogaato marka aad dahab iibsanayso.
Macdan Gaar ah
Dahabka si weyn ayaa loogu baahanyahay sababtoo ah waa macdan gaar ah, wayna adag tahay helidiisa. Dahabka boqolaal sano ayaa lacag lagu badalanayey ama loo isticmaalayey sida lacagta halkii lacag la isticmaali lahaa.
Waxyaabaha kale ee dahabka ka dhiga mid dhif ah waa inuu jilicsan yahay, si fududna ku jabi karo marka la farsameeyo.
Sababta uu sii badat rabitaanka loo qabo dahabka waa in dhagaxyada qaaliga ah ee la warshadeeyo ay yaraadeen muddo sannado ah.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Muddo kumannaan sano ah ayuu dahabku ahaa hoggaamiyaha qalabka qaaliga ah.
Qodobka labaad ee la doonayo in aad tixgaliso marka aad Dahab iibsanayso waa qiimaha la siisto katiin dahab ah iyo inta lagaa jarayo.
Waa maxay sababta soo saarista dahabka ay hoos u dhacayso? BBC du waxa ay la hadashay qaar kamid ah milkiilayaasha dukaamada Dahabka oo ra'yigooda soo bandhigay.
1- Waa kee Dahabka ugu fiican?
Tayada iyo nadiifnimada dahabka waxaa lagu cabiraa qaab 0 ilaa 24 carat, taasna micnaheedu waa in dahabkaas uu nadiif yahay boqolkiiba 99.99. Marka ay ku milan yihiin wax yar oo macdan kale ah 24-ka carat waa daciif waana ay adagtahay in wax laga sameyo. Macdanta kale ee lagu daro waxaa ka mid ah copper, silver, cadmium iyo zinc.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Dahabka nadiifta ah waxaa lagu tilmaamaa 22 carats ilaa 18 carats waxayna ku xiran tahay macdanta kale ee ku lamaan. Dahabka haduu yahay 22 carat waxay la micno tahay boqolkiiba 91.6 boqolkiiba, sidaas awgeedna 8.4 waa macdan kale oo ku dhagan.
2- Dahabka la maalgaliyo waa kan 24 carat ka ah
Si loo sameeyo dahab la qurxiyey waa in la helo 24 carat. Waxaad u baahantahay in aad ku darto macdan kala duwan sida Copper, cadmium, zinc iyo macdanta silver ka.
Marka ay isku milmaan waxaa ay noqonayaan 22 carat oo dahab ah. Sidaasi darteen 100 garaam iyo 22 carat oo dahab ah waxaa ay noqonaysaa 91 boqolkiiba dahab nadiif ah inta soo hartay ee 8.4 garaamka ahna waa macdanta kale ee lagu daray.
Waxaa loo yaqaana 916 KDM oo dahab ah ama 91.6 KD dahab ah. kuwa doonaya in ay maalgaliyaan dahab waxaa ay iibsan doonaan midka 22 carat ka ah.
3- Muxuu yahay hoos u dhaca ku yimid?
Dadka dib u dayac tira dahabka ama iibsada dabakha horay u samaysnaa waxay qofka waydiiyaan qiimaha laga dhigayo dahabka iyo waxa laga goynayo.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Marka dib loo farsamaynayo dahabka, waxaa hoos u dhaca xajmigiisa, maadaama la dhalaalinayo dibna loo qorayo ama la burburinayo si naqshado cusub loogu yeelo.
Ogow ilaa heerka la gaarsiinayo miisaanka dahabkaaga haddii aad dib u cusboonaysiinayo.
4-Xagee lagu khiyaani karaa qofka macmiilka ah?
Wajiyo badan ayuu leeyahay ganacsiga dahabka, marka dib loo naqshadeynayana waxaa go'da ilaa 400 oo ,iligaraan haddii uu dahabka ka yar yahay 10 garaam.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Hase yeeshee khiyaanadu waxay u imaan kartaa isla qaabka dadka loo dhaco marka dukaamada dahabka ay wax ka iibsanayaan. Si la mid ah dhagaxyada kale ee qaaliga ah ayuu dahabkuna usoo jiitaa kuwa wax khiyaana.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddii aad siiso 10 garaam oo dahab ah kuwa dahabka sameeya, waxay ku siinayaan faraanti dahab ah oo dhan 10.44 garaam. Haddaba ma garanaysaa sababta uu u batay miisaanka oo intaas ka yaraa markii hore? Yaa faa'iidaya?
Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in aad ogaato marka aad dahab iibsanayso.
Macdan gaar ah
Dahabka si weyn ayaa loogu baahan yahay sababtoo ah waa macdan gaar ah, wayna adag tahay heliddiisa. Dahabka boqollaal sano ayaa lacag lagu beddelanayay ama loo isticmaalayay sida lacagta, halkii lacag la isticmaali lahaa.
Waxyaabaha kale ee dahabka ka dhiga mid dhif ah waa inuu jilicsan yahay, si fududna uu ku jabi karo marka la farsameeyo.
Sababta uu sii batay rabitaanka loo qabo dahabka waa in dhagaxyada qaaliga ah ee la warshadeeyo ay yaraadeen muddo sanado ah.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Muddo kumannaan sano ah ayuu dahabku ahaa hoggaamiyaha qalabka qaaliga ah.
Qodobka kale ee la doonayo in aad tixgaliso marka aad dahab iibsanayso waa qiimaha la siisto katiin dahab ah iyo inta lagaa jarayo.
Waa maxay sababta soo saarista dahabka ay hoos ugu dhacayso? BBC-du waxa ay la hadashay qaar ka tirsan milkiileyaasha dukaamada dahabka oo ra'yigooda soo bandhigay.
1- Waa kee dahabka ugu fiican?
Tayada iyo nadiifnimada dahabka waxaa lagu cabbiraa qaab 0 ilaa 24 karat, taasna micnaheedu waa in dahabkaas uu nadiif yahay boqolkiiba 99.99. Marka ay ku milan yihiin wax yar oo macdan kale ah 24-ka karat waa daciif, waana ay adag tahay in wax laga sameeyo. Macdanta kale ee lagu daro waxaa ka mid ah copper, silver, cadmium iyo zinc.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Dahabka nadiifka ah waxaa lagu tilmaamaa 22 karat ilaa 18 karat, waxayna ku xiran tahay macdanta kale ee ku lamaan. Dahabka haddii uu yahay 22 karat. Waxay la micno tahay boqolkiiba 91.6, sidaas awgeedna 8.4 waa macdan kale oo ku dheggan.
2- Dahabka la maalgaliyo waa kan 24-ka karat ah
Si loo sameeyo dahab la qurxiyay waa in la helo 24 karat. Waxaad u baahan tahay in aad ku darto macdan kala duwan sida Copper, cadmium, zinc iyo macdanta silver ka.
Marka ay isku milmaan waxaa ay noqonayaan 22 karat oo dahab ah. Sidaasi darteed 100 garaam iyo 22 karat oo dahab ah waxaa ay noqonaysaa 91 boqolkiiba dahab nadiif ah inta soo hartay waa macdanta kale ee lagu daray.
3- Muxuu yahay hoos u dhaca ku yimid?
Dadka dib u dayactira dahabka ama iibsada dahabka horay u samaysnaa waxay qofka waydiiyaan qiimaha laga dhigayo dahabka iyo waxa laga goynayo.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Marka dib loo farsamaynayo dahabka, waxaa hoos u dhaca xajmigiisa, maaddaama la dhalaalinayo dibna loo qorayo ama la burburinayo si naqshado cusub loogu yeelo.
Ogow ilaa heerka la gaarsiinayo miisaanka dahabkaaga haddii aad dib u cusboonaysiinayo.
4-Xaggee lagu khiyaani karaa qofka macmiilka ah?
Wejiyo badan ayuu leeyahay ganacsiga dahabka. Marka dib loo naqshadeynayana waxaa go'da ilaa 400 oo miligaraam haddii uu dahabku ka yar yahay 10 garaam.

Xigashada Sawirka, SRIVIVAS LAKKOJU
Hase yeeshee, khiyaanadu waxay u imaan kartaa isla qaabka dadka loo dhaco marka dukaamada dahabka ay wax ka iibsanayaan. Si la mid ah dhagaxyada kale ee qaaliga ah ayuu dahabkuna u soo jiitaa kuwa wax khiyaana.










