You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Sheekh Maxamed Bin Zayed: Waa kuma madaxweynaha cusub ee Imaaraadka?
Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo bedelaya walaalkii Sheekh Khaliifa oo geeriyooday Jimcihii, sida ay sheegtay wakaalada wararka Imaaraadka ee WAM.
Wakaaladda waxay intaa ku dartay in maanta Golaha Sare ee Imaaraadka ay si aqlabiyad leh ugu doorteen Madaxweynaha cusub Maxamed bin Zayed Al Nahyan kadib geeridii ku timid walaalkii Sheekh Khalifa oo ahaa Boqorkii Waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta ahaana madaxweynaha dalkaas.
Madaxweynaha geeriyooday ayaa Jimcihii shalay lagu aasay qabuuraha Al Bateen ee magaalada Abu Dhabi, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.
Wakaaladda Wararka ee WAM oo soo xiganeysa bayaan ay soo saartay Madaxtooyada, iyadoo la raacayo qodobka 51-aad ee dastuurka, Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa loo doortay ninka baddali doono Khaliifa Bin Zayed.
Waa kuma Maxamed bin Zayed Al Nahyan?
Sheekh Maxamed ayaa muddo dhowr sano ah ahaa hogaamiyaha dadban ee Imaaraadka kadib xaaladda caafimaad darro ee lasoo deristay walaalkii Sheekh Khaliifa. Sheekh Maxamed oo loo yaqaan MBZ, ayaa durbaba door weyn ka ciyaaray siyaasadda Bariga Dhexe.
Sheekh Maxamed Bin Zayed Al Nahyan wuxuu dhashay sanadkii 1961-dii, wuxuu wax ku bartay dalka Imaaraadta Carabta iyo dalka Ingiriiska.
Wuxuu ka qalin jebiyay kuliyadda militeriga Sandhurst ee ku taalla Ingiriiska sanadkii 1979.
Sheekh Maxamed Bin Zayed waxaa loo arkaa nin ka dambeeya isbaddalada ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Imaaraadka iyo tan gobolka isla markaana ahaa madaxii ololaha ka dhanka ah kooxaha Islaamiyiinta ee ka howlgala dalalka Carabta.
Waxaa sanadkii 2004 loo magacaabay dhaxal sugaha dalkaas kadib markii uu xilkan qabtay walaalkii Sheekh Khaliifa.
Wuxuu bishii January 2005-tii noqday ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka ee Imaaraadka.
Wuxuu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay militeriga Imaaraadka isaga oo soo noqday duuliye ka tirsanaa ciidamada cirka iyo sidoo kale taliye sare oo ka tirsanaa ciidamada cirka.
Sheekh Maxamed wuxuu ka qeyb qaatay horumarinta ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka Carabta dhinacyada qorshaynta, istiraatijiyadda, tababarida, qaabdhismeedkooda iyo kor u qaadida awoodooda difaaca.
Horraantii sanadkan ayay aheyd markii Maxamed Bin Zayed uu dalka Imaaraadka kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku tegay dalkaas, waxay ka wadahadleen sidoo lagu xoojin lahaa xiriirka diblumaasiyaeed ee ka dhexeeyo labada dal.
Hogaamintiisa tooska ah ee ciidamada qalabka sida ee Imaaraadka Carabta ayaa horseeday in ciidamada ay noqdaan kuwa ay si aad ula dhacsan yihiin ururo badan oo ciidan oo caalami ah. Xitaa mar wuxuu booqday ciidamadii nabad ilaalinta Imaaraadka ee ku sugnaa dalalka Kuwait iyo Kosovo.
Sheekh Maxamed wuxuu ahaa la taliyaha arrimaha amniga ee Sheekh Khaliifa, sidoo kale wuxuu xubin firfircoon ka yahay golaha sare ee qaabilsan batroolka iyo tamarta dalkaas.
Sidoo kale wuxuu horey madax uga soo noqday golaha dhaqaalaha iyo horumarita ee Abu Dhabi.
Soomaaliya
In muddo ahba, dowladda Imaaraadka Carabta waxay ka mid ahayd dalalka saamaynta ugu wayn ku leh siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha kale ee Soomaaliya.
Mashaariic waaweyn ayuu Imaaraadka ka hirgeliyay gobola, waxaana ka mid ah dhismaha dekedda Berbera iyo kaabayaal kale oo dhaqaale.
Sidoo kale Imaaraadka oo ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya ayaa ka qayb qaatay tababarrada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Balse sanadkii 2018-kii ayuu khilaaf xoog leh soo kala dhex galay dowladda Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Boqortooyada Imaaraadka Carabta.
Isku dhaca ayaa yimid kaddib markii laamaha amniga ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen lacag ka timid Imaaraadka oo "si sharci darro ah" looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle.
Dhowr sano kaddib, 7-dii bishii January ee sanadkan 2022-ka ayuu Raii'sul Wasaaraha Soomaaliya raaligalin siiyay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray in lacagta loo celin doono dowladdii lahayd.
"Waxaan rabaa inaan halkan sidoo kale ka caddeeyo madmadowgii soo kala dhex galay labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ka bilowday dhacdadii bishii April ee 2018 ee halkan garoonka ka dhacday waxaan rabaa inaan u muujiyo inaan ka xunahay waana ka raaligalinaynaa walaalaheen," ayuu yiri Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
"Waxaan rabaa sidoo kale inaan u cadeeyo dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaraadka Carabta inaan u hayno lacagtoodii xilligaas laga qabtay, waxaan u sheegayaan xukuumad ahaan inaan diyaar u nahay inay qaadan karaan xilli kastooo ay diyaar u yihiin," ayuu yiri Mudane Rooble.
Hase yeeshee, Madaxtooyada Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhufatay raaligalintii uu bixiyay Ra'iisul Wasaare Rooble, xilli uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyay Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo.