Baadigoob Mareykanka: Maxbuus iyo askarigii ilaalinayay oo wada baxsaday

Casey White and Vicki White

Xigashada Sawirka, Lauderdale County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Maxbuus Casey White (Bidix) iyo Vicki White oo ah askariga ay wada baxsadeen

Booliska Mareykanka ayaa baadi-goobaya nin xabsiga ka baxsaday oo loo haysto dacwado la xiriira dil iyo haweeney ka mid ahayd ilaalada xabsiga oo lagu tuhmayo inay caawisay.

Ninka baxsadka ah oo lagu magacaabo Casey White iyo haweeneyda askariga ah oo lagu magacaabo Vicki White, waxaa markii ugu dambeysay subixii Jimcaha lagu arkay saldhigga booliska Lauderdale ee Alabama.

Vicki ayaa sheegtay inay maxbuuska u waddo xarun caafimaad oo lagula socdo xaaladaha dhimirka, hase yeeshee, saraakiisha ayaa dib ka ogaaday in aysan arrintaas ku jirin qorshaha xarunta ee ballamaha.

Haweeneyda askariga ah ayay Jimcadii ahayd maalinteedii ugu dambeysay ee shaqada.

Rick Singleton oo ah taliyaha saldhigga Lauderdale ayaa sheegay in bil ka hor ay Vicki iibisay gurigeeda, ayna hadal-heysay inay qorsheyneyso inay u guurto xeebta.

Casey White

Xigashada Sawirka, Lauderdale County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Sawirkii ugu dambeeyay ee maxbuuska baxsaday ee Casey White

Taliska ayaa ka digay in ninka baxsadka ah uu yahay 'nin hubeysan oo halis ah' - waxaa suurtagal ah inuu adeegsan karo hubka askariga la baxsaday.

Waaxda xabsiyada ayaa abaalmarin $10,000 u ballan-qaadday cid kasta oo ku soo wargelisa xog horseedi karta in dib loo soo xiro Casey White ama halka ay joogto Vicki White. Labadooda magac ee dambe un baa kulmay laakiin ma jiro xiriir la ogyahay oo ka dhaxeeya.

Haweeneyda askariga ah ayaa la shaqeyneysay waaxda ilaaladaha maxaabiista muddo 25 sano ah, waxay ahayd kaaliyaha agaasimaha, qeyb ka mid ah shaqadeedana waxay ahayd inay isku dubbariddo gaadiidka maxaabiista lagu geeyo maxkamadaha.

Arrin iska caadi ah ma aha in qof dacwado waaweyn loo haysto uu kaxeeyo hal askari oo keliya, sida uu sheegay Singleton. Siyaasaddooda waxay dhigeysaa in ugu yaraan ay labo askari weheliso maxbuuska.