Eedeysanayaal si layaab leh uga baxsaday musqusha xabsi ku yaalla California

Santos Samuel Fonseca (L) and Jonathan Salazar (R), the murder suspects who escaped from a jail in Monterey County

Xigashada Sawirka, Monterey County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Santos Samuel Fonseca (L) and Jonathan Salazar (R) escaped from a jail in Monterey County

Booliska waxay shaaciyeen sawirro muujinaya sida laba nin oo dembi dil loo haystay ay uga baxsadeen xabsi. Waxay si la yaab leh u dolooliyeen gidaarka xabsiga oo ku yaalla California.

Santos Samuel Fonseca, oo 21 sano jir ah, iyo Jonathan Salazar, oo 20 sano jir ah, waxay ka bexeen qeyb ay dumiyeen oo ah musqusha gudeheeda ah. Waxay raggan ku xirnayeen xabsi ku yaalla Koonfurta magaalada San Francisco.

Taliyaha ciidamada halkaas wuxuu sheegay in raggan ay heleen meel "ka qarsoon indhaha" ilaalada.

Labadan dhallinyarada ah waxaa ku socotay dacwad maxkamadeed oo ku saabsan dembiyo dilal oo kala duwan waxayna baxsadeen Axaddii.

"Waxaan ka xunnahay in rag lagu oogay kiis dil aysan hadda xabsiga ku jirin," ayuu yiri Jonathan Thornburg, oo ah afhayeen u hadlay xafiiska taliyaha ciidamada deegaankaas.

The 22in (55cm) wide hole the murder suspects cut and crawled through at the jail in Monterey County

Xigashada Sawirka, Monterey County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Meesha ay dalooliyeen waa 22in (55cm) oo ballac ah.

Maamulka hadda waxay raadinayaan raggas oo ay sheegayaan in ay hubeysan yihiin, halisna ay yihiin.

Xafiiska Taliyaha ciidanka wuxuu $5,000 oo dollar u ballan qaaday qofkii soo sheega macluumaadka la xiriira raggaas iyo meesha ay ku dambeeyaan.

Sidey raggan laga shakisan yahay u baxsadeen?

Waxay meel yar ka dolooliyeen musqusha xabsiga, halkaas oo ilaalada aysan arki karin, sida saraakiisha ay sheegeen.

Meesha ay dumiyeen labadan nin way ka bixi kareen, maadama labaduba, Mr Fonseca iyo Mr Salazar, ay dhuuban yihiin.

A picture showing a hole in the ceiling of a jail's toilet, where two suspects climbed through

Xigashada Sawirka, Monterey County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Maamulka waxay sheegayaan in nimankaas ay heleen meesh aysan "qabanin isha" ilaalada oo musqusha dhexdeeda ah.

Meesha ay ka bexeen waxaa ku socotay dib u habeynta tubooyiinka iyo dhuumaha dhismaha.

Raggan baxsaday waxay ku dhex guurguurteen meeshaas, illaa ay ka derbiga ugu dambeeya, xoog ayey ku fureen ka dibna way ka sii bexeen halkaas.

The maintenance area where two suspects crawled through

Xigashada Sawirka, Monterey County Sheriff's Office

Presentational white space

Meesha ugu dambeysa ee xabsiga ma lahan ilaalo, waxaana ku xiran xargo oo keli ah, sida ay sarakiisha maamulka sheegeen.

Maxaa ka mid ah dembiyada ay ku eedeysan yihiin?

Labada nin waxaa la soo qabtay sannadkii la soo dhaafay, iyagoo lagu eedeeyay dembiyo kala duwan oo dilal ah.

The hatch through which the suspects escaped

Xigashada Sawirka, Monterey County Sheriff's Office

Qoraalka sawirka, Waa meesha ugu dambeysay ee xabsiga ee ay ka bexeen.

Mr Fonseca waxaa lagu eedeeyay dilka Lorenzo Gomez Acosta, oo 37 sano jir ahaa, iyo Ernesto Garcia Cruz, oo 27 sano jir ahaa. Labadaa dil oo la geystay 2018-kii, waxaa u dhexeysay afar maalmood.

Mr Salazar wuxuu ku eedeysnaa in uu toogasho ku dilay Jaime Martinez, oo 20 sano jir ahaa, bishii October ee 2017-ki.

Labaduba way beeniyeen eedaha loo jeediyay sida lagu qoray wargeyska Los Angeles Times.

Presentational grey line

Muuqaalkanna wuu ku xiisa gelin karaa:

Qoraalka Muuqaalka, CCTV footage showed the moment Guzman escaped from prison through a tunnel
Presentational grey line