You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Ilbaxnimada slaamka: Muslimkii boqolaal sano ka hor loo aqoonsanaa dhakhtarka ugu fiican dunida
- Author, Cali Xalane,
- Role, BBC laanta Carabiga
Culuumta Caafimaadka oo isugu jirta labo qeybood oo kala ah garashada cudurrada iyo daaweyntooda waxay aheyd meelaha ay Muslimiintu hormuudka u noqdeen.
Waxaa soo caan baxay culimo fara badan oo cilmiga dhakhtarnimada iyo dawooyinka wax weyn ku soo kordhiyay.
Abubakar Alraazi oo noolaa intii u dhaxeysay bartamihii qarnigii 9aad iyo bilowgii qarnigi 10aad waxaa loo aqoonsaday inuu ahaa dhakhtarkii ugu weynaa ee soo mara adduunka.
Alrazi waxa uu qoray kitaab la yiraahdo Alxaawi fil dib" oo marjac u noqon doona cilmiga dhakhtarnimada ilaa laga soo gaaro qarnigii 14aad.
Alrazi waxa uu ahaa dhaktarkii ugu horreeyay caalamka ee helay dunta dhaawacyada iyo qalliinada lagu tolo mar uu madax ka ahaa isbitaal ku yaallay Baqdaad.
Waxaa kale oo uu Alrazi allifay 200 kitaab oo culuum fara badan ka hadlay oo u badan cilmiga dhakhtarnimada iyo sameynta daawooyinka.
Qaar ka mid kutubtiisa oo loo tarjumay luqada Laatiinka waxaa lugu daabacay Talyaaniga gaar ahaan magaalooyinka Bresha iyo Venice qarnigii 15aad. Waa kuu dhawaad 600 oo sano ka dib markii uu allifay kutubtaas.
Ibnu Sina oo yurub looga yaqaanno Avasina waxa uu isna ka mid ahaa culimadii Islaamka ee kaalinta weyn ku lahaa horumarinta cilmiga dhakhtarnimada.
Markii la turjumay kutubtiisa waxay reer Yurub u bixiyeen magaca Amiirka Dhakhaatiirta.
Ibnu Sina wuxuu aliifay kutub fara badan oo uu ugu caansan yahay Alqaanuun Fil Dibbi oo ilaa qarnigii 17aad laga dhigi jiray jaamacadaha Yurub.
Ibnu Sinaa waa dhakhtarkii ugu horeeyay ee hela cudurro ay ka mid yihiin Mininjiteska, Cagaarshowga, iyo dhagxaanta ku sameysanta kaadi heysta.
Waxaa kale oo uu Ibnu Sina helay in cudurrada qaarkood lagu daawyn karo qaab nafsaani ah ( Psychology)
Waxaa jiray cuimo badan oo Muslimiin ah oo mid walba uu ku caan baxay qeyb kamid dhakhtarinmada. Waxaan ka soo qaadan karnaa;
Ibnul Heytham, dhakhtarkii indhaha ee caanka ahaa ee noolaa qarnigii 10aad. Ibnul Heytham waxa uu ku dhashay Basra laakiin noloshiisa intiisa badan waxa uu ku qaatay magaalada Qaahira.
Kutubtii uu qoray waxaa ugu caansanaa kitaabka Almanaadir, oo loo tarjumay luuqadda latinka qarnigii 12aad waxa uuna kitaabkaasi asaas u noqday cilmiga indhaha.
Sidoo kale Ibnul Heytham waxa uu aad u darsay xiriirka ka dhexeeya iftiinka , aragga, iyo maskaxda bani aadamka. Waxaa aad loo xusaa inuu sameeyay isku daygii ugu horreyay ee in wax lagu sawiri karo camerooyinka hadda la isticmaalo, weyneysada, iyo aalado kale.
Dhinaca isbitaallada
Laga soo billaabo qarnigii 7aad Muslimiintu waxa ay soo kordhiyeeen dhismaha isbitaallada.
Isbitaalkii ugu horreeyay waxaa laga dhisay magaalada Dimishiq billowgii qarnigii 8aad, waxaana ku xigay isbitaalkii uu dhisay Harun Alrashiid oo ahaa khaliifkii Muslimiinta isla bartamhiii qarnigii 8aad.
Isbitaalladani waxay lahaayeen qeybo u gaar ah bukaanada qaba cudurrada kala duwan oo u eg qaabka casrigan la isticmaalo.
Bukaannadu waxey xaq u lahaayeen iney isbitaalka ku jiraan ilaa iyo inta ay ka reysanayaan.
Isbitaal kasta waxa uu lahaa sariiro jiif, farmashiyeyaal, meel cuntada bukaannada lagu kariyo, iyo xitaa meelo lagu cibaadeysto. Qaarkoodna waxeyba lahaayeen kaniisado ay ku cibaadeystaan bukaannda aan Muslimka aheyn.
Waxay sidoo kale isbitaalladu lahaayeen fasallo lagu tababaro ardayda caafimaadka Iyo meelo lagu madadaaliyo bukaannada.
In kasta oo uu cilmigu caafimaadku meel sare gaaray waqtigan haddana waxaa la wada qiray in Muslimiintu ay yihiin kuwii jidka u xaaray in la soo gaaro heerka maanta la joogo.