“Ciidamada Ruushka waa sida nin feeryahan ah oo dhufashadiisa xoog badantahay balse aanan u adkaysan karin hal feer oo daciif ah”

Taangi Ruushka leeyahay

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Taangi Ruushka leeyahay

Waxaa la rumeysanyahay in Ruushka uu dagaalka ku waayay boqolaal taangiyadeed ah iyada oo uu dagaalka Ukraine socdo muddo labo bil ah.

Qubarada amniga waxa ay sheegayaan in ay ugu wacantahay hubka lidka taangiyada ee ciidamada Ukraine ay ka heleen reer Galbeedka.

Waxase ay sidoo kale qabaan in Ruushka ay si qaldan u isticmaaleen taangiyada, taasina ay keentay in la burburiyo.

Qiyaasaha haddala hayo waa in illaa 680 taangi laga burburiyay Ruushka, iyada oo bogga Oryx oo ka faalaadooda arrimaha dagaalka uu qiyaastan u cuskaday sawirro laga heley goobaha dagaalka.

Wuxuu boggani qoray in Ruushka ay sidoo kale lumisay wax ka badan 2 kun oo gawaarida gaashaaman ah ee aan taangiyada ahayd.

Sida ay sheegeen mac-hadyada RAND iyo IISS , Ruushka waxa uu dagaalka u direy 2,700 taangi.

Muxuu hubka Ukraine ka taray taangiyada Ruushka?

Biloowgii dagaalka, Maraykanka waxa uu Ukraine siiyay illaa 2 kun oo ah gantaalada loo yaqaano Javelin, iyada oo sidoo kale labo kun oo dheeraad ah loogu daray ciidanka Ukraine.

Gantaalada lidka taangiyada ee Juveline

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Gantaalada lidka taangiyada ee Juveline

Waxaa gantaaladan samaysay shirkadda Lockheed ee Maraykanka, waxayna sheegtay in marka la gamo uu haleelo qeybta sare ee taangiga, halkaas oo uu ka jilicsanyahay difaaca.

Maadaamaa taangiyada Ruushka ay leeyihiin nidaam difaac , gantaalada javelin waxa ay wataan labo madax, kan hore wuxuu burburinayaa difaaca taangiga, kan labaadna wuxuu burburinayaa gudaha taangiga.

Britain ayaa iyaduna ciidanka Ukraine siisay gantaalada lidka taangiyada ee loo yaqaano NLAWs ee fudud waxaana loo naqshadeeyay in ay ku dul qarxaan taangiga marka ay dul marayaan.

Nick Reynolds wuxuu ka tirsanyahay machadka RUSI , wuxuu yiri "Gantaalada Juvelin iyo NLAW waa kuwa waxgal ah, la'aantoodna xaalada Ukraine waxay ahaan lahayd mid sidan ka badelan".

Dowladda Maraykanka ayaa Ukraine siinaysa 100 ka mid ah diyaaradaha yaryar ee drone-ska kuwaas oo inta ay dul istaagaan taangiga gantaal ku tuuleysa.

Qorshaha Dagaalka ee Ruushka

Ciidamada Ruushka ayaa ku hawlgala qaab is huwan ee loo yaqaano BTG, taas oo micnaheedu yahay in ciidanka goob ka dagaal galaya ay ka koobanyihiin taangiyo, ciidanka lugta iyo kuwa madaafiicda. Ma ahan qaab caadi ah oo la wada yaqaano , balse waxaa ku yar tirada ciidanka, waxaanaku badan gaadiidka gaashaaman.

Nin beeralay ah oo jiidaya taangi Ruushku leeyahay

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Nin beeralay ah oo jiidaya taangi Ruushku leeyahay

Philips O'Brien oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda St. Andrews ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay yaryihiin marka la barbardhigo kuwa kale, sidaasi darteedna qorshahan is huwan ee isku dhafka ah uu yahay kan ugu wanaagsan ee sida quman ugu shaqayn kara. Wuxuu sheegay in haddii taangiga la weeraro aysan helin ciidamo lug ah oo badbaadiya ama ka difaaca weerar dheeraad ah. "Tani waxa ay la mid tahay in ciidanka Ruushka yihiin sidii feeryahay dhufashadiisa ay adagtahay, balse aanan u dulqaadan karin feer daciif ah". ayuu yiri Philips.

Wuxuu sidoo kale sheegay in maadaamaa Ruushka uusan haysanin kormeer iyo sahan xagga cirka ah in taasi ay suurtogal ka dhigtay in ciidamada Ukraine ay weeraraan taangiyadooda. Waxa kale oo taasi Ruushka u horseedday in ay ogaan waayaan dhaqdhaqaaqa ciidamada Ukraine.

Maxay usii daciifayaan ciidamada Ruushka?

Sida uu sheegay bogga Oryx iyo qiimeyntooda, kala bar taangiyada Ruushka waa la burburiyay, ama waa la qabsaday ama goobaha dagaalka ayaa looga cararay.

Prof O'Brien ayaa yiri "Waad aragteen ayaan filayaa in nin beeralay ah oo reer Ukraine ah oo cagaf ku jiidaya taangi Ruush ah, taangiyadan jidka ayaa looga tagay shidaal la'aan awgeed, gaar ayaa ku xanibmay barafka, sababtoo ah madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin waxa uu dagaalka qaaday xilli aan haboonayn dhanka cimilada".

Nick Reynolds ayaa isaga qaba in ciidanka Ruushka uu ka koobanyihiin askar iyo dad dhibboow qasab ah kasoo baxay, sidaasi darteed tayada tahay mid liidata. Taangiyada intooda badan ayaa ka dhacay buundooyinka , gaarkood ayaa ku dhacay dhufeysyo taas oo sababtay in silsiladda taangiga ay gebi ahaanba burburto.

Dowladda Ukraine ayaa waxa ay gaartay heer ay saxaafadda dadkeeda uga shegeto waxa ay ku samayn lahaayeen haddii ay la kulmaan taangiyada Ruushka oo laga tagay, waxaana dadka loo sheegay in qofkii hela qalab militari aanan laga rabin canshuur.