Amniga: Maxamed Maahir ma qof jiraa mise waa khiyaali iyo maadeysiga Soomaalida

Xigashada Sawirka, NISA
Hay'adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ee NISA ayaa digniin ay xalay soo saartay ku shaacisay shirqool ay sheegtay in Al-Shabaab ay dooneyso inay ku disho Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Qoraal lagu baahiyey barta Twitterka ee hay'adda NISA ayaa lagu sheegay inay xogta ay heleen ay la wadaageen madaxda sare.
NISA waxay sheegtay in shirqoolkan uu Al-Shabaab hormuud uga yahay horjooge lagu magacaabo Maxamed Mahir, balse waxaa ka dhashay hadal hayn badan oo ku saabsan Maahir iyo inuu yahay qof jira iyo in kale.
Qoraal ka soo baxay kooxda Shabaab ayaa waxay ku sheegtay in wax lagu qoslo ay tahay in NISA ay ogaan weysay marar ay beegsadeen saraakiil dowladda ka tirsanaa oo ay tusaale usoo qaateen guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Injineer Cabdiraxmaan Yariisow oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay kooxdu sheegatay oo ka dhacay xarunta gobolka sanadkii 2019.
"Waxay ogaan waayeen markii aan Yariisoow xaruntiisa isagoo shir kula jira xubnaha maamulkiisa ku beegsanay, waxay ogaan waawyeen markaan isbuucii hore Xalane u dhacnay. Ma garan karo halka ay ka keeni karaan awoodda ay ku ogaan karaan hawlgal aan ku beegsanayno labada nin ee ugu tunka weyn Murtadiinta, Waxaan kuu xaqiijinayaa in aysan nimankaasi laheyn awooddii iyo kartidii ay qorshayaasheena ku ogaan lahaayeen," ayuu yiri sarkaalka ka tisan kooxda oo ay barta Somali Memo soo xigatay.
Waa Kuma Maahir?
Markii uu baahay warka la xariira beegsiga mas'uuliyiinta ugu sareysa dalka, ayay bilaabatay in dadku is weydiiyaan qofka uu yahay Maxamed Maahir, fuliyaha shirqoolka laga badqinta qabo ee ay NISA sheegtay.
"Magacu, magac buga in uu yahay waa suuragal, in qof been laga sheego iyaduna wax dhici kara weeyaan" sidaas waxaa yiri Cabdisalaan Guuleed, ku xigeenkii hore ee nabadsugida Soomaaliya.
Dhanka kale Cabdisalaan waxa uu sheegay in uu tuhun sanyahay nin iska soo dhiibay Al shabaab sanadkii 2019 kii kaas oo qaybta sirdoonka Soomaaliya lagu daray 2020 kii isaga oo aan marin qabta dhaqan celinta dadka ka soo goosta Al shabaab. Labada magac ee danbe ee ninkaas ayuu ku sheegay Maxamed Maahir.
Cabdisalaan ayaa aaminsan in uu ra'iisul wasaaruhu ku jiro qatar dhab ah, oo ay suuragal tahay in lagu waxyeeleeyo xafiiskiisa ama munaasabad uu ka qayb gali doono.
Soomaaliya, ugub ma ahan in Al shabaab beegsadaan mas'uuliyiinta ugu sareysa ee dawladda, saddexdii madaxweyne ee ka horeeyay madaxweynaha hadda xilka haya ayaa ka badbaaday weeraro uga yimid Al shabaab, sidoo kale gudoomiyihii hore gobolka Banaadir Cabdraxmaan Yariisoow ayay ku dhex qarxiyeen xafiiskiisa.
Maahirna ma ahan nin wax war ah laga haya aan ahayn magaciisa hadiiba uu jira, ama kasoo dhex muuqday madaxda Alshabaab. Sidoo kale NISA kama aysan bixinin wax tilmaam ah, sawir ah iyo waliba xilka uu ka hayo Alshabaab.
Sidee ayay dadku uga falceliyeen?
Markii uu soo baxay warka NISA iyo Alshabaab oo beenisay, dad badan ayaa baraha bulshada siyaabo kala duwan uga falceliyay, iyadoo dadka qaar ay ku maadeysanayaan magaca, halka kuwo kalena ay aad u daneynayaan inay ogaadaan qofka uu yahay ninkaas.
Dadka ka falceliyay waxaa ka mid ah:
Nuur Sheekh Cismaan qof uu magaciisu yahay ayaa is weydiinaya su'aasha ah halka uu ku dambeeyo Maxamed Maahir. Dadkii ka falceliyay qaar ayaa isla isagiiba su'aasha ku soo celiyay.
"Maahir waa na dhibay waxaanba ka shakisanahay inuu maanta iga hor yimid" ayuu yiri mid ka mid ah dadkii ka falceliyay.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 2
Qof Facebook ku qortay Wasiirka Caddaaladda ayaa soo dhigay muuqaal ay dad badan ka falceliyeen. Wuxuu iska dhigayaa inuu telefoon kula hadlayo Maxamed Maahir, isagoo weydiinaya waxa uu soo doonay maaddaama ay tahay bil Ramadaan.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 3
Dadka qaar ayaa bilaabay inay baaraan liiska saaxiibbadooda Facebook, iyagoo ka dhex raadinaya magaca Maahir. Abdirizak hirey qof ku soo gala Facebook ayaa soo qoray, "Friends-keyga ayaan baaray waxaan ka helay 2 maahir. Fadlan isa soo cadeeya cida aad tihiin, damiina keena."
Nasra Abtidoon oo ah Youtube-ley caan ah ayaa iyadana sawir ay barteeda Facebook soo dhigtay ku tiri, "#Maahir maxaa laga rabaa magaca curadkeyga meeshan arkaba asagaa iga soo hor boxooyo
Ani Magacan Inuu Shidan yahay Waxan ogaa 2014 markaan wiiljeyga U bixinaaye"
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 4
Sidoo kale dadkii ka falceliyay waxaa sidoo kale ka mid ah siyaasiyiin caan ah.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.Dhammaadka Facebook boggan, 5
Dad badan ayaa faallo ka dhiibtay hadalka Goodax uu soo dhigay Facebook-gga waxaana ka mid ah qof lagu magacaabo Cilmi Faradheere oo yiri, "Mudane Wasiir, Maxamed Maahir intaanu dadka dhibaateyn in #Jillaafo loo dhigo ayaa loo baahan yahay, howshaas cid kaaga habboon ma jirto ee ma is xilqaameysaa?"
Nuur Adaawe qof magaciisu yahay ayaa isagana yiri, "Magaciisa wa m m da Dadiisuna wa 2022 dhirirkisuna wa 2022 waqtiga u dhashay wa 2022 halku ku dhashay wa doorasho dadban ced allah iyo cedi aragta fadlan laso xiriir tel no 2022"
Si kastaba, korneyl Shariif Xuseen Roobow, oo ka faallooda arrimaha amniga horena uga tirsanaa hay'adda NISA ayaa BBC-da u sheegay in wax lala yaabo ay tahay digniinta NISA isagoo sheegay in khawaaniinta hay'adda aysan ku jirin in la shaaciyo haddii khatar ay soo wajahdo madaxda dalka.
"Waxay ahayd haddii ay maqleen oo ay dhab tahay in labada madax ee ugu sarreysa dalka ay nabad gelyadooda halis ku jirto inay daba galaan iyagoo aan idaacadaha ka sheegin oo aan khalkhal dadweynaha gelin, wxaa la rabay inay arrintaas ka gun gaaraan inay dhab tahay iyo inaysan ahayd, haddii ay dhab tahayna inay si qarsoodi ah wax uga qabtaan oo marka howlgalku dhammaadana ay madaxda la wadaagaan, xitaa marka ay wax ka qabtaan in idaacadaha laga sheego maaha iska daa iyadoon waxba laga qaban'e." Ayuu yiri.










