Doorashada Soomaaliya : Hadal haynta iyo kursiga guddoomiyaha baarlamaanka oo cirka isku shareeray

Doorashada Golaha Shacabka ee Soomaaliya ayaa ku dhow heer gabo gabo ah, inkastoo aan lagu dhammeystirin waqtigii loo qabtay oo ku ekaa maanta oo ah 15-ka bisha March. Waxaase sii billowday isriix riix ku aaddan kursiga guddoonka baarlamaanka, oo beelaha afarta ah ee waaweyn uu midba kan kale ku riixayo in uu qaato kursiga guddoonka oo ah kan ugu soo horeeya ee la dooranayo marka ugu horeysa ee uu baarlamaanka fadhi yeesho.

Marka xildhibaannada Aqalka Hoose la wada doorto waxaa xiga in loo gudbo xulashada qofkii noqon lahaa afhayeenka Golaha ama guddoomiyaha iyo ku xigeennadiisa.

Inkastoo kuraasta siyaasadda oo ay ku jiraan saddexda jago ee ugu sarreysa - Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka - lagu saleeyo qaab awood qaybsi ah oo ku dhisan habka 4.5 ee beelaha Soomaalida, haddana kursiga guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa muddo ka badan 20 sano ku fadhiyay hal beel., taasi oo ay ka timid dood culus oo siyaasadeed labadii doorasho ee ugu dambeysay.

Waxaa soo baxaya xog ku saabsan in beesha kursigaas ku fadhin jirtay iyo beelo kalaba ay doonayaan ama ugu yaraan ay jirto hadal hayn ku saabsan in markan qoondada qeybta guddoonka loo wareejiyo beel ka duwan tii horey ugu fadhiday, taas oo dabcan saamayn toos ah ku yeelan doonta tartanka madaxweynaha oo ah kan loolanka ugu adag uu ka dhici doono.

Hadal hayntan ayaa haraysay saxaafadda iyo baraha bulshada, iyada oo xitaa siyaasiyiin caan ah iyo xildhibaano doorran ay si furan uga hadlayaan aragtidooda ku waajahan cidda qaadanaysa kursigan. waxayna u egtahay in beelaha isku tuurtuurayaan kursiga.

Daahir Qoriyoow Isaaq, oo falanqeeya siyaasadda Gobolka Geeska Afrika, ayaa aaminsan in ujeeddada ugu weyn ay tahay "in kursigaas uusan ahayd mid la isku halleyn karo, oo aan cago adag ku taagneyn".

"Waxay ila tahay waxa ugu weyn waa caqabadaha uu guddoomiyaha baarlamaanka la kulmayo marka uu Golaha hoggaanka u hayo. Ma aha kursi uu qofka hubo in uu kusii fadhin karo inta aysan muddo xileedka u dhammaanin. Waxaa taas sii dheer in aan lagu tixgelinin kursiga". ayuu yiri Daahir Qoriyoow.

"Waxaa xasuus mudan in marar badan ay dhacday in kalsoonida lagala noqday guddoomiyaha baarlamaanka. Marka in la iska fogeeyo hadda waxay ku imaaneysaa in guddoomiyaha uusan lahayn muddo cayiman oo shaqadiisa aysan caqabad ka hor imaaneynin."

Sidoo kale waxa uu carrabka ku dhuftay in sabab kale ay noqon karto "sidii ay beeshan u raadsan lahaayeen kursi kale oo ka mid ah kuwa ugu sarreeya".

"Waxay ila tahay in hadda hammiga la qabo uusan ahayn kursiga madaxweynaha balse rabitaanka uu ku aaddan yahay xilka Ra'iisul Wasaaraha. Laakiin waxaan u maleynayaa in aysan hadda hirgeli karin balse ay saldhig u noqon doonto olole dambe oo ay sameyn doonaan," ayuu yidhi Daahir Qoriyoow.

Maxaa Kursiga Guddoonka Baarlamaanka loogu riixaa hal beel?

Dastuurka qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya khasab kama uusan dhigin in xilka guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku ekaado hal beel oo ka mid ah kuwa lagu asteeyay awood qaybsiga ku dhisan 4.5 ee Soomaaliya looga dhaqmo, haddane sidaas ay tahay markasta hal beel ayuu ku wareeganayay kursiga.

Isla su'aasha ku saabsan sababta kursigan aysan cid kale ugu fariisanin muddo ka badan 20 sano ayaan weydiinnay khabiirka falanqeeya siyaasadda gobolka.

"Waxyaabaha qaar waxay iska noqdaan caado marka la eego dhaqanka Soomaalida. Wax markii la caadeysto waxay iska noqdaan sida sharci, waxaa mar kasta taalla beeshan baa la siin jiray ama gobolkan baa la siin jiray, laakiin wax maanta diidaya in la siiyo Galmudug ama Waqooyiga ama gobol kaleba ma jiro. Caado unbay iska noqotay oo kaddibna siyaasadda la raaciyay," ayuu yidhi.

Horay way u jireen siyaasiyiin ka qayb galay loollanka kursiga Guddoonka Baarlamaanka oo ku sigtay in ay xilka qabtaan, kuwaasoo aan kasoo jeedin beesha jagadaas ku asteysan, waxaana la sheegay in ay tusaale cad u ahaayeen loolanka siyaasadda iyo dareenka sii xoogaysanaya ee ah in kursigan aanan hal beel lagu waajibinin.

Waxaa ka mid ahaa Cali Khaliif Gallaydh oo guddoomiyaha baarlamaanka u tartamay 2012-kii iyo Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo u tartamay 2016-kii.

Guddoomiyeyaashii horay usoo maray kursiga afhayeenka Baarlamaanka ee dhammaantood hal gobol kasoo wada jeeda waxay kala yihiin:

  • Cabdalla Deeroow Isaaq
  • Sheekh Aadan Maxamed Nuur "Madoode"
  • Shariif Xasan Sheekh Aadan (oo labo jeer la doortay)
  • Maxamed Cismaan Jawaari (oo labo jeer la doortay
  • Maxamed Musral Cabdraxmaan (oo ah guddoomiyaha hadda uu xilka ka dhammaanayo)

Kursi laga wareegto

Arrin kale oo dad badan ay u arkaan inay tahay sababta kursiga guddoomiyaha Baarlamaanka uu hal beel ugu ekaaday waa in siyaasiyiinta beelaha kale ay ka wareegtaan xilkaas.

Cabdisalaan Salwe, oo ah khabiir ka faallooda siyaasadda, ayaa BBC-da u sheegay waxyaabaha keeni karta arrintaas.

"Waxa ugu weyn ee loo soo qaadi karo arrintaas waa in faham xumo laga qabo nidaamka dowliga ah. Faham darradaas waxay soo jirtay waqti dheer oo xitaa ay ku jirto xilligii dowladdii militeriga, waana in dowladdaba loo arko xilalka ugu muhiimsan in ay yihiin madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, qofkii labadaas kursi helana uu xukunka heysan karo," ayuu yidhi.

Waxaa kale oo uu Cabdisalaan intaas ku daray in kursiga Guddoonka Baarlamaanka uu yahay mid si uun loo quursado oo beelaha aysan daneynin ama ay xitaa siyaasiyiinta u hanqal taaga cadaadis kala kulmaan beelahooda.

"Dabcan way jirtaa in uu yahay kursi laga warwareegto. Markaad fiirisid xilligii ay dhaceysay doorashadii 2012-kii, Cali Khaliif ayaa isku dayay inuu u tartamo laakiin cadaadis aad u badan buu la kulmay, codadkii uu helay xitaa intooda badan ma aysan ahayn kuwo ay siiyeen xildhibaannada beeshiisa, dad kale oo aan arrintaas maslaxad u arkin ayaa u codeeyay.

"Sidoo kale Cabdirashiid Xiddig ayaa u tartamay 2016-kii, isagana wuu la kulmay cadaadiskaas. Maadaama fahamka dowladnimada laga qabo uu yahay mid runtii khariban ayaa loo arkaa in qofka xilkaas raadinaya uusan ahayn cadkii ay beeshiisa u qalantay," ayuu yidhi Salwe.

Waxaa jira hadal hayn ku saabsan shir siyaasadeed weji beeleed leh, balse xildhibaano iyo siyaasiyiin ay ka qeybgalayaan oo la sheegay in 18-ka bishan March uu dhaci doono magaalada Baydhabo, kaas oo looga hadli doono doorashada kursiga guddoomiyaha baarlamaanka. Jiritaanka shirkan waxaa bar uu leeyahay Facebook kusoo qorey Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Lama oga waxa kasoo bixi kara shirkaasi iyo in uu qabsoomi doonaba.

Miisaanka Xilka Guddoomiyaha

Waxaa xusid mudan in guddoonka Baarlamaanka uusan qayb ka ahayn dajinta siyaasadihii lagu heshiinayay markii ay jireen khilaafaadkii doorashada oo aad u saameyn badnaa. Hase yeeshee Baarlamaanka oo wada jira ayaa hadda ka hor ansixiyay natiijadii kasoo baxday shirkii lagu qabtay magaalada Dhuusamareen.

Balse taas micnaheeda ma aha in kursigan uu yahay mid aan muhiim ahayn.

"Runtii waa kursiga ugu saameynta badan marka laga eego dhinaca dowladnimada. Sida aan ognahay dowladnimadeennu waxay ku socotaa dib u heshiisiin, waxaa la dhisayaa dowladnimadii naga burburtay, dowladnimadana marka laga soo tago dib u heshiisiinta waxaa laga dhisaa shuruuc ay diyaariyaan sharci dajinta.

"Sidoo kale dowladnimadeenna waxay ka burburtay hay'adda fulinta oo aad wax u xoogta, taasna meesha laga xakameeyo waa baarlamaanka. Marka dhinacyadaasoo dhan haddii laga eego baarlamaanka waa xubinta ugu muhiimsan uguna saameynta badan dowladda, guddoonkana waa kii hagayay," ayuu yidhi Cabdisalaan Salwe.