You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Colaadda Ukraine: Nin ay aad isugu dhow-yihiin Putin oo soo hadal qaaday wadaxaajood
Lataliyaha madaxweynaha Ruushka horana u soo noqday wasiirkii dhaqanka ee dalkaasi, Vladimir Medinsky, ayaa warbaahinta Rossiya 24 waxa uu u sheegay inay suuragal tahay in qodobada qaar laga gaaro isfahan guud.
"Arrinta ugu wayn ee aynu maanta xallinay waa arrinta badbaadinta dadka, waa muwaadiniinta ku sugan jiidda hore ee ay milaterigu isku horfadhiyaan," ayuu yiri Medinsky.
Waxa uu sheegay in labada wasaaradood ee gaashaandhigga ay isku afgarteen hab lagu sii wadayo marin bini'aadamnimo oo ay "ka bixi karaan dadka rayidka ah iyo suuragalnimada in si ku meel gaar ah loo joojiyo dagaalka ka socda aagga marinka u ah bini'aadamka taas oo lagu beegayo waqtiga ay dadka rayidka ah bartaas isaga baxayaan".
"Waxa ay ila tahay in taasi ay tahay horumar wayn," ayuu sii raaciyay.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa waxa ay ku warramaysaa in wareegga xiga ee wadahadallada ay dhici doonaan bilowga todobaadka soo socda.
Zalensky oo wadahadal ka dalbaday Putin
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay wadada ugu dhaw ee lagu joojin karo dagaalka Ukraine in ay tahay wadahadal toos ah oo ay wada-galaan isaga iyo madaxweyne Vladimir Putin.
"Ma dooneyno inaan weerarno Ruushka, mana qorsheyneyno in aan weerarno. Maxaad naga rabtaan annaga? Nooga taga dhulkeena" ayuu yiri
Wuxuu intaas ku daray isaga oo soo xiganaya wada hadal ka dhacay miis dheer bishii hore:
"Aan wada fariisano. 30 mitir meel ay noo dhaxaysana ha fariisan, sidii aad sameysay markii aad la kulmeysay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron".
Wasiirka Gaashaandhigga UK oo farriin u diray Vladimir Putin
Wali way u furan tahay Vladimir Putin in uu soo afjaro dagaalka uu ku qaaday Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Gaashaandhigga ee UK, Ben Wallace.
Farriin uu u diray madaxweynaha Ruushka, ayuu Mr Wallace ku sheegay in Mr Putin uu uu waddankiisa halis u gelinayo in la go'doomiyo tobannaan sano haddii uu ciidamadiisa la bixi waayo.
Waxa uu sidoo kale sheegay in hubka halista ah ee thermobaric la geeyay halkaas, uuna isagu ka walwalsan yahay ilaa heerka uu gaadhi doono Ruushka muddada soo socota.
Maalintii Arbacada, Ra'iisul Wasaaraha UK, Boris Johnson, ayaa sheegay in Mr Putin uu horayba u leeyahay mas'uuliyadda dambiyo dagaal oo ka dhacay Ukraine.
Wasiirka gaashaandhigga ayaa hadalkan jeediyay isagoo uu wehlinayay dhiggiisa dalka Estonia, Kalle Laanet, oo ay si wadajir ah u qabteen shir jaraa'id oo ka dhacay caasimadda dalkaas ee Tallinn. Mr Wallace ayaa Estonia ku jooga booqasho uu ku marayo dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga Nato.
Mr Wallace ayaa yidhi: "Cawaaqibka ka dhalanaya waxa aan indhaha ku heyno ee ka socda Ukraine waxay saameyn doonaan Yurub iyo Nato, kumana ekaan doonaan oo keliya isbuucyo balse waxay gaari doonaan bilo iyo sannado."
Muddo hal isbuuc ah oo uu socday dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, waxa ay ciidamada Ruushku gacanta ku shigeen magaalada muhiimka ah ee dekedda ku leh Badda Madow, Kherson, oo ku taalla dhinaca koonfureed, dagaalkuna waxa uu kusii fidayaa waddankaas.
Magaalooyin badan ayay ku socdaan madaafiic aan kala joogsi lahayn, Arbacadii ayaana ahayd mid ka mid ah maalmihii uu burburka ugu xooggan ka dhashay dagaalka.
Ruushka ayaa markii ugu horreysay qirtay in uu militerigiisa khasaare xoog leh kasoo gaadhay dagaalka, iyagoo sheegay in laga dilay 498 askari, 1,597 kalena laga dhaawacay.
Hase yeeshee, Ukraine ayaa sheegtay in khasaaraha gaadhay ciidanka Ruushka uu gaadhayo kumannaan.
Putin oo sheegay in weerarka Ukraine uu ku socdo qorshe la jeexay
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in hawlgalkiisa khaaska ah ee Milatari, laakiin loo yaqaano duulaanka Ruushka uu ku socdo qorshe la jeexay.
Hadalkiisan ayaa yimid kadib markii falanqeeyayaal badan ay sheegeen in dagaalka Ukraine uu yahay mid qorshe la'aan ah.
Khudbad laga sii daayay television ka ayuu ku eedeeyay ciidamada Ukriane in ay afduubteen kumanaan dad ajanabi ah, ayna u isticmaalayaan dadka "gabaad ay xabada isaga dhigaan" arintaan wax cadeyn ah uma uusan hayn Putin.
Wuxuu intaas ku daray in dadka Ruushka iyo Ukraine ay ahaayeen hal dad, uuna burburin doono kuwa ka soo horjeeda ee reer galbeedku abuureen.