You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Colaadda Ukraine: Shan arrimood oo aadan ka ogeyn duulaanka Ruushka ee Ukraine
Maalintii shanaad ayuu galay duulaanka Ruushka ee Ukraine, dagaalka ayaa ku baahay magaalooyin dhowr ah xilli wakiilo ka socday Ukraine iyo Ruushka ay yeesheen wadahadalkoodii ugu horeeyay ee fool ka fool ah tan iyo markii uu dagaalku bilowday.
Ruushka ayaa go'doon la geliyay iyadoo madaxweyne Putin uu ku dhawaaqay inuu heegan galiyay ciidamada Nukliyeerka ee Ruushka taasoo keentay qeylo dhaan baahsan.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka ee Kharkiv ay la mid tahay dembi dagaal.
Mr Zelensky ayaa sheegay in ay jiraan dad goobjoogayaal ah oo sheegay in dad rayid ah si bareer ah loo beegsaday.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in tobanaan qof la dilay.
Shirkad Mareykan ah oo qaabilsan sawirada dayax-gacmeedka ayaa sheegtay in kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Ruushka ay kusii jeedaan magaalada caasimadda ee Kiev.
Ruushku waxaa lagu eedeeyay duqeynta goobaha ay dadka ku badan yihiin
Tiro dad ah ayaa ku dhintay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxaana gantaallo lagu garaacay magaalada Kharkiv, sida laga soo xigtay saraakiisha Ukraine.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan gantaallo ku hoobanayo magaalada Kharkiv oo ah caasimadda labaad ee Ukraine, waxaana magaaladan ku nool 1.4 milyan oo qof, waxay wararka sheegayaan in boqolaal qof ay ku dhaawacmeen duqeymahaas.
Ruushka wuxuu horey u beeniyay in uu weeraray goobaha ay dadka degan yihiin.
Dhanka kale, wakiilada Ruushka iyo Ukraine ayaa wadahadal ku yeeshay Belarus. Rajada laga qabo in go'aan deg deg ah laga gaaro kulanka ayaan ahayn mid aad u sareeya, waxaana saacado badan kadib la soo gabagabeeyay wada-hadallada, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in wareeg labaad uu dhici karo maalmaha soo socda.
Waxaa magaalada Kiev laga maqlayay qalabka ka diga weerarada, dadka deegaanka ayaa gabbaad u raasday goobaha tareenka laga raaco xilli uu soo baxayo warar sheegayo in ciidamada Ruushka ay weerar ku qaadeen deegaanno dhaca duleedka caasimadda.
Sawirro dhanka Sattelite-ka ah waxay muujinayaan ciidamada Ruushka oo kusii siqayo koonfurta caasimadda Kiev.
'Dagaalka wuxuu mideeyay dadka'
Oleg Karpyak, Weriyaha BBC-da ee Kyiv
Dadka waxay gabbaad ka dhigteen goobaha tareenka laga raaco iyagoo ka cabsanayaa gantaallada, tareenka ayaa shaqeeya hal saac ilaa 2 saac, kala bar wuu maran yahay tareenka.
Dadka maanta dibadda usoo baxay waa dadka ku hadla luqadda Ruushka, waxay ku eedeeyeen dowladda Ukraine inay dhibaato u geysaneyso.
Weriyaha oo la kulmay gabadh la yiraahdo Tamara oo ku hadasha luqadaha Ukraine iyo Ruushka ayaa waxay ka hadashay dareenkeeda ku aadan tageerada iyo midnimada shacabka Ukraine.
Waxay sheegtay in seygeeda uu kasoo jeedo magaalada Kharkiv, waana magaalada kaliya ah ee looga hadlo luqadda Ruushka bariga Ukraine, gantaallada Ruushka ayaa waxay maanta ku dhaceen Kharkiv.
Weriyaha wuxuu intaa ku daray in uu arkay nin dhalinyaro ah oo sita qoriga AK-47 xilli uu maro jaalla ah ku xirtay gacantiisa midig-waana astaan muujineysa in uu kamid yahay dadka sida isa soo xilqaamay ee dagaalka ka qeybgalaya, waxaa ninkan dhalinyarada ah lagu magacaaba Artem.
Artem wuxuu oo ku hadlo luqadda Ruushka wuxuu sheegay in wax dhibaato ah uusan kala kulmin Ukraine ka hor duulaanka Ruushka.
"Dagaalka wuxuu mideeyay shacabka si aan horey loo arag" ayuu yiri Artem.
Dhibaato qaxooti oo aad u weyn
Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in nus malyuun qof ay hadda ka qaxeen dalka Ukraine oo ay gaareen dalalka deriska la ah. Weriyaha BBC-da Jeremy Bowen ayaa arkay dad ku jira safaf dhaadheer si ay u galaan Poland.
Wuxuu sheegay in dadka qaar ay lugeynayaan halka qaarkood ay saaran yihiin baabuur, dadka intooda badana waa carruur.
In ka badan 100,000 oo qof ayaa sidoo kale ku barakacay gudaha Ukraine, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Lacagaha dulsaarka Ruushka oo labo jibaarantay
Ruushka ayaa sare u qaaday boqolkiiba 20 lacagaha duulsaarka ah xilli cunaqabateynta ay saameysay dhaqaalaha dalkaas.
Waxaa uu hoos u dhac ku yimid qiimaha lacagta dalkaas, waxaana la arkayay dadweyne safaf dhaadheer u galay mashiinada lacagta iyo sidoo kale qaar ka mid ah dukaamada cuntada.
"Ma heysanno lacagaha doolarka, waxaan heysannaa lacagta Ruushka ee Rouble balse aniga sidaa uma daneynayo" ayuu yiri nin saf ooga jiray bangi ku yaalla Ruushka oo BBC-da la hadlay.
In kasta oo dhaqaalaha uu dhulka galay ,Kremlin wuxuu sheegay in Ruushku uu "ka bixi" cunaqabataynta dhaqaale.
Falalka diidmada, geesinimada iyo cunaqabateynta
Markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine, waxaa baraha bulshada lagu arkayay shacab badan oo u dhashay Ukraine oo kasoo horjeedo ciidamada Ruushka.
Qaar ayaa si caro leh uga horyimid askarta halka qaar kalena ay damceen inay joojiyaan taangiyada soo galaya goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Kuwo kale ayaa hubka qaatay si ay isugu dayaan in ay gacan ka geystaan difaaca dalkooda. Mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka, Lesia Vasylenko, ayaa BBC u sheegtay in soddogeed ay u tababartay isticmaalka qoriga AK-47.