Aadan Xuseen: Wiilka yar ee sida cajiibka ah korontada ku gaarsiiyay tuulada uu ku nool yahay

Wiil yar oo 14 jir ah ayaa lagu bogaadiyay markii uu korontada gaarsiiyay tuulada uu kasoo jeedo isaga oo adeegsanayo saalada xoolaha.
Aadan Xuseen Diida oo ah arday dhigata fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe ee Tula Web, ayaa sheegay in uu mashruucan u bilaabay si uu u wax ka qabto dhibaatada haysata dadka tuulada ku nool ee aan haysan adeegyada aasaasiga ah sida waddooyinka, isbitaallada iyo korontada.
Wuxuu wiilkan korontada gaarsiiyay dhowr guri oo ku yaalla deegaanka Borana ee dhaca koonfurta Itoobiya.
Aadan wuxuu mashruucan ka dhalinta korontada saalada xoolaha ka bilaabay gurigooda isaga saalada xoolaha ku uruuriyay god dheer oo labo mitir ah.
Waxaana u suurogashay in halkaa uu kasoo saaro koronto ku filan ilaa siddeed guri, wuxuu guri kasta ka qaada $0.87 doolar.
Dadka deegaankaas ku dhaqan ayaa u badan dad xoolo dhaqato ah oo ku tiirsan xoolahooda balse waxaa si ba'an u saameysay abaaraha ka jira gobolka.
Aadan waxaa caawiyay lacagtii yareyd uu ka qaadayay qoysaska uu guryahooda u geliyay korontadan cajiibka ah ee uu soo saaray.
"Aad ayaan ugu faraxsanahay howsha aan qabtay ilaa hadda, waxay yiraahdeen waxaan meesha ka baxay qiimihii aan ku iibsan jirnay batariyada iyo tooshyada. haatan carruurtoodu waxay hadda wax ku akhrisan karaan guriga intii ay sugi lahaayeen in uu waagga ka baryo si ay u qabtaan casharada uu macalinka usoo diray" ayuu yiri Aadan.

Aadan macallinkiisa oo la yiraahdo Boru Sora ayaa sheegay in mashruuca wiilkan la gaarsiin doono guryo dhowr ah oo ku yaalla tuuladan inkasta oo caqabada heysto ay tahay in uusan gaari karin magaalooyinka maadamada waddooyinka ay xun yihiin taas oo horseeday in qalab badan uu kasoo iibsado halkaas si uu horumariyo mashruuca.
"Waa ardey hal abuur leh, ka sokow, saalada uu korontada ka dhaliyay, wuxuu isku dayay dhowr waxyaabood, wuxuu hagaajinayay Raadiyeyaasha halaabay iyo qalabyada kale ee elektrooniga ah si uu uga sameeyo diyaarad ku duuleysa xawaare dhan 100 mitir" ayuu yiri macalin Boru.
Aadan wuxuu dhiirigelin u noqday ardey badan oo isku iskuul yihiin kuwaas oo bilaabay inay curiyaan fikrado kala duwan si ay ula yimaadaan mashaaricyo muhiim ah oo waxtar leh sida midka uu hirgeliyay Aadan.
Aadan riyadiisu waxay tahay in uu ku biiro jaamacadda Borana ee ku taalla deegaanka Yabelo ee dalka Itoobiya gaar ahaan kuliyadda Injineernimada.











