Edmonton: Deeq waxbarasho oo lagu maamuusayo suxufiyaddii la dilay

Xigashada Sawirka, Integration TV/YouTube
Allaha u naxariistee Hodan naalleeye waxay ahay suxufiyad u istaagtay iney sawirka wanaagsan ee Soomaaliya iyo Soomaalida Canada ay xirfaddeeda ku soo bandhigto.
Haddaba deeqda waxbarashada cusub ee Edmonton ayaa qorsheynaya inuu sii wado dhaxalka ay ka tagtay suxufiyadda Soomaali-Canada ee geeriyootay Hodan Naalleeyeh.
"Uma maleynayo in la helayo cid iyada beddesho balse waxaan rajeeynayaa in la helo cid buuxiso booskii ay iyadu banneysay oo dalka dib ugu noqda howlaheedina sii wada' ayuu yiri Rashiid Xirsi oo saaxib la ahaa qoyskeeda oo wareysi siiyey Raadiyaha Edmonton Isniintii.
Hodan Naalleeye waxay ku soo barbaartay Edmonton iyo Toronto, waxayna dib ugu noqotay dhulka ay asal ahaan ka soo jeeddo ee Soomaaliya si ay muuqaalka wanaagsan ee Soomaaliya ay caalamka u gaarsiiso iyada oo adeegsaneyso boggeeda You Tube ee af-igriisiga ku baxa iyo Integration TV.
"Muuqallo kala duwan ayey iska reebtay sida iyada oo maqaayad yar fadhido oo wax cuneyso, iyada oo dhul miyi ah dad xoola dhaqata ah la joogto oo caana lo' cabbeyso iyo iyada xeeb socota" ayuu yiri Xirsi.
Shacabka Edmenton ayaa baroordiiq u sameeyey Hodan Naalleeye oo ah suxufiyadda
Jimcihi ku dhimatay qarixi ka dhacay magaalada Kismaayo. Mid ka mid ah saaxibbada ay lahayd Hodan Allaha u naxariistee ayaa idaacadda Edmenton uga waramay Hodan qofka ay ahayd iyo waxyaabaha lagu xusuusan doono.
"Waxaad arkeysaa shacab qoslaya. Shacabkaasi waxay ka daaleen, dagaal, dagaal sokeeye, dagaallo qabiil. Shacabki arrimahaasi oo dhan ay soo daashadeen ayey si la yaab leh xaaladdooda wax uga beddeshay." ayuu yiri.
Weerarka argagixiso
Hodan waxay ka mid ahayd 26 qof ee ku dhimatay weerarki lagu qaaday huteel ku yaalla magaalada Kismaayo iyada iyo seygeeda Fariid Jamac Suleymaan.
Lammaanahan ayaa hoteel ka furtay xeebta Kismaayo, hase yeeshee maalintii uu qaraxa dhacayay waxa ay ku sugnaayeen hoteelka Cascaseey oo ay ku dhiman doonaan.
Qoraal ay barta Facebook soo geliyeen qoyskeeda' waxay sheegeen 'In noolasheeda ay ku qaadatay caawinta dadka Soomaalida si ay dunida ay ugu soo bandhigto xaqiiqda dhabta ah gaar ahaan tebinta wararka ku saabsan horumarada dalka uu gaaray'
"Waxay dhiirogelin iyo rajo gelin siiyay shacabka soomaalida xilli ay u mareysay tebinteeda, haddana waa la waayi doona" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay qoyska.

Hodan Naaleeye waxay ku dhalatay magaalada Laascaanood balse waxay ku barbaartay dalka Canada kaddib markii qoyskeeda ay tegeen dalkaas, waxay annadkii lasoo dhaafay go'aansatay inay dib ugu laabato Soomaaliya.
Markii ay Canada tegeen, Aaabaheed waxaa uu ka shaqeyn jiray goob baabuurta la dhigto, wuxuuna sidoo kale ahaan jiray diblumaasi hore, sida laga soo xigtay bogga Toronto.com
Markii ay jirtay, da'da 30, waxay Hodan dhameysay waxbarashada saxaafadda ee jaamacadda, sannadkii 2014-ki waxay bilawday telefishinka Integration TV kaas oo tebiyo wararka khuseeyo guud ahaan Soomaalida.
Wasiirka arrimaha socdaalka Canada, Axmed Xuseen ayaa tacsi u diray Hodan oo ku sheegay inay aheyd qof u adeegayay bulshada Soomaalida.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
"Waxay u hadli jirtay dad badan, waana ka xunnahay geerida ku timid.."
Waxaa lagu soo warramaya in Hodan Naaleeye ay dadka ay caawin jirtay in loo qodo ceelal biyaha ay ka cabbaan.
Waxay barnaamijyadii ugu dambeeyay ay diyaarineysay ay ahaayeen kuwo ku saabsanaa horumarrada ganacsiga ay ka gaareen dumarka soomaalida.
Weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale oo ay isku dhawaayeen Hodan ayaa ku tilmaamay inay aheyd 'qof firfircoon oo ay si weyn uga shaqeyneysay wanaagga dadakeeda iyo dalkeeda'
Hodan waxay ku rajo weyneyd ka shaqeynta dhiirogelinta da' yarta soomaaliyeed ee qurba joogta ah si ay uga qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda.
"Waxay tiri, aniga ma rabo lacag ama in aan noqdo qof caan ah, waxay dooneysay inay aragto soomaali oo mid ah" ayuu yiri Farxaan Jimcaale.
Dad badan oo isticmaala baraha bulshada oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniib kaleba ayaa si isku mid ah uga falceliyay geerideeda, waxayna ku tilmaameen halyeeyad ka baxday dadka Soomaalida ah.
"Hodan waxay ahayd uur xilliga ay geeriyooneysay waxayna ka tagtay laba wiil" ayuu yiri Xirsi.
"Dad badan oo Canada u dhashay ayaa siyaabo kala duwan ugu dhinta Soomaaliya iyaga howla kala duwan oo wanaagsan wada balse, geeridan waa ugu murugada badneyd oo aan weligey la kulmo" ayuu sii raaciyey.
Jibril Ibrahim oo ah guddoomiyaha bulshada dhaqanka Soomaalida Canada ee Edmonton wuxuu sheegay iney deeq waxbarasho magaceeda ku diyaariyen.
Waxaanna $1,000 doolar guddoonsiineynaa ayuu yiri gabadh jaamacad ka baraneyso cilmiga suxufinimada.
Bulshadan dhaqanka waxay magaalada Edmonton ay ka hirgeliyeen madxafka Soomaalida oo ku yaalla dhismaha sanduuqa Bosco. Waxaana madxafkaasi lagu soo bandhigaa taariikhda Soomaaliya iyo tan Soomaalida Canada, waxayna macluumaadka ay ka soo uruuriyaan caalamka oo idil ayuu yiri Ibraahim.
Qayb ka mid ah Madaxafka waxaa loo diyaarieyey howlihi ay Hodan Naalleeye qabatay.
Munaasabad lagu xusayo dadki ay dhibaatada ka soo gaartay qarixi ka dhacay Kismaayo ayaa Jimcaha lagu qaban doonaa dhismaha Sanduuqa Bosco oo ku yaallo waddada 129-aad waxayna munaasabadda billaabaneysaa 6-da Makhribnimo.










