Giselli Carvalho: Sagaal sano ayay igu qaadatay inaan uur yeesho, haddana gabadheyda way dhimatay

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Markii roobabka xooggan ay bilowdeen inay da'aan, Giselli Carvalho waxay si dhaqsi ah dib ugu laabatay xaafadda.

Waxay ka welwelsanayd hooyadeed, iyo inanteeda, Helena oo hal sano jirta.

Intii ay guriga ku sii jeedday, Giselli waxay la kulantay qof ay deris yihiin oo u sheegay war argagax leh, taas oo ah in gurigooda uu dhuulka ku daray dhul gariir ku dhuftay magaalada Petrópolis ee dalka Brazil, 15-kii bishan Febraayo.

Magaaladaasi, waxaa maalinkaas uu roob ka da'ay 259.8 millimitar muddo 24 saacadood gudahood, in kabadan roobka caadiga ah ee da'a bisha oo dhan, waana roobkii ugu xoogganaa ee maalin da'a tan iyo sanadkii 1932-dii.

Daadadka ka dhashay roobabkaasi ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 100 qof, oo ay ku jiraan ku dhawaad 8 caruur ah, sida laga soo xigtay ciidamada difaaca qaranka ee Brazil.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

"9 sano ayay igu qaadatay inaan uur qaado, sababtoo ah waxaan rabay inaan si wanaagsan u barbaariyo gabadheyda," ayay tiri Giselli oo la hadashay TV-ga Globo eel aga leeyahay Brazil.

"mar walba waxaan ku fekeraa inaan maalin un aan arki doono inanteyda, Helena oo ila joogta," ayay intaa raacisay iyadoo ilmeyneysa.

Markii dhul gariirku dhacayay,waxaa sidoo kale guriga ku jirtay gabar walalkeed uu dhalay oo lagu magacaabo María Carminante, guriga oo ku yaallay Morro da Oficina favela,oo kamid ah meelaha uu aadka u saameeyay roobabkii da'ay.

Dhul gariirkaasi waxaa ku dhintay hooyadeed, gabadheeda yar, iyo inan kale oo walaalkeed uu dhalay, waxaana sadexdoodaba meydkooda laga helay kursiga fadhiga.

Baadi goobka meydadkaasi ayaa waxaa qeyb ka qaatay deriska, koox ka socota dab demiska, ciidamada iyo kuwa difaaca madaniga.

Sida lagu daabacay wargeyska G1 News, waxaa sidookale la diiwaan geliyay in 134 qof laga waayay aaggaasi.

Tirada dhimashada ayaa la filayaa inay korodho iyadoo la saadaaliyay inay da'ayaan roobab xooggan oo hor leh.

Giselli Carvalho waxay haatan kamid tahay boqolaalka qof ee hoy la'aanta ah oo ku nool guryo ku meel gaar ah oo ku yaalla Petrópolis.

Haweeneydan ayaa ku guda jirtay qaban qaabada xafladda 2-aad ee dhalashada gabadheeda.

"Wax walbo way u diyaarsanaayeen munaasabadda dhalashada, hadda ma garanayo wax aan sameeyo" ayay tiri.