Maxaa ka jira in ciyaartoy qurba-joog ah loo badiyay xulka qaranka Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, FIFA
Xulka qaranka kubada cagta ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu billaabay qorshe uu kusoo xulanayo ciyaartooyda uga qeybgaleyso ciyaaraha isreeb reebka ee tartanka koobka Qaramada Afrika.
Qoraal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay in kaliya labo ciyaartooy oo ka ciyaartay gudaha dalka lagu daray liiska xulka Soomaaliya, halka inta kalana ay yihiin qurbajoog, inkasta oo su'aal la geliyay rasmi ahaanshaha diwaangaasi.
Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa sheegay in liiskan uusan waxbo ka jirin isla markaana ay weli ku gudo jiraan dhameystirka baadigoobka ciyaartoyda Soomaaliya uga qeybgeli doonto ciyaaraha isreebreebka ee Afrika.
Cawil Ismaaciil Maxamed oo ah agaasimaha farsamada xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay warqadda laisla dhex wareegayo ee muujineysa liiska xulka qaranka ee Soomaaliya oo ay u badan yihiin ciyaartoy qurba joog ah.
"Liiskii masoo bixin, ciyaartooyda waa la kala shaandeynayaa, waa la kala hufaya, nin kasta oo u qalma oo aan is leenahay wax buu ka keeni karaa tartankaas in aan ku darno diyaar baan u nahay, liiskii weli masoo bixin, liis waxaan arkayay meelahan ordayo, liiskan aan ku arkay baraha bulshada sax ma ahan weli lama dhameystirin, weli intii laga fariistay liis sax ah lama soo saarin, waxaan rajeyneynaa in maalmaha soo socdo lasoo saaro."
Ciyaartoyda oo qurba joog ah, waxaa laga kala keenay waddamo kala duwan, waxayna ka tirsanyihiin kooxo kubadda heer sare ka gaaray.
Cawil waxaa uu rumeysan yahay in ciyaartoyda qurbo joogta ay yihiin kuwa tayo leh oo hadda ka hor wacdaro dhigay.
Wuxuu intaa ku daray in ciyaartoyda gudaha ay u baahan yihiin tababar iyo taageero si ay uga qeybgalaan ciyaaraha caalamiga ah.
"Nimanka dhalinyarada waxaa lagu tusaale qaatay ciyaarihii aan Zambia la ciyaarnay, waad ogeyd sidii ay u ciyaareen, ciyaartii ay dheeleen Cummaan ciyaar fiican ayay soo bandhigeen, waxaa loo arkaa rag la jaan qaadi karo kubadda caalamka haatan laga ciyaaro."

"Kuwa gudaha ciyaartooy fiican ayaa ku jirta, rag fara badan oo tayo fiican leh ayaa ku jira oo runtii u qalma sida goolhaye Mustafe oo kamid ah ciyaartooyda gudaha, dhalinyarada gudaha wey dadaalaan, tababar iyaga ayaa iskood isku siiyaa laakiin mararka qaarkood waxay la'ayihiin fursadihii ay kusoo bandhigi lahaayeen inay ciyaaraha dibadda ugua qeybgalaan, waxay u baahan yihiin in lagu xiro dadka dibadda joogo oo la helo wakiilo ciyaartooyda iibsata" ayuu yiri Cawil Ismaaciil Maxamed oo ka tirsan xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya xilli uu BBC-da u warramayay.
Cabdirashiid Maxamuud Nuur (Shardinho) oo ka falooda ciyaaraha ayaa BBC u sheegay in sababta mar kasta keenta in loo baahdo ciyaartooyda qurba joogta ah ee Soomaalida ay tahay in ciyaartooyda ay hadda guul kasoo hoyiyeen ciyaar caalami ah.
"Wax badan bey soo kordhiyeen , Soomaaliya markii ugu horreysay ay ciyaar caalami ah badisay tan iyo marka lasoo xulay ciyaartooydan, ciyaartooydan Zimbabwe bey ka badiyeen, dalka Cummaan si fiican bey ula ciyaareen, waxaana keenay in kulamadii ugu dambeeyay ay ciyaareen iyo tayadooda in bulshadu ay dareento baahida loo qabo in ciyaartooyda mar walba ay matalaan inta badan waa kuwa soo noqnoqda"
"Ciyaartoyda Soomaalida ma tayo xumo laakiin dadka shaqada hayo ayay sidaa noqotay dorashadooda, runtii ciyaartooy tayo badan shan ilaa lix waa laga heli lahaa waxay noqotay in qaranka uu ciyaartooyda ugu badan ka keeno qurbaha" ayu yiri Cabdirashiid.










