Sonkorowga: Boostaalihii rajada u abuurey dadka qaba Macaanka

Dhab ahaantii boqol sano kahor, dhakhtar u dhashey dalka Kanada, Frederic Banting, iyo kooxdiisu, waxey shaaca ka qaadeen daweyn, taasoo keentay in lagu abaal mariyo Bilad Sharafta Dawada sanadkii 1923-dii. Shaac ka qaadistaasi wuxuu ahaa midkii suurtagalka ka dhigay in laga daweeyo bukaanada cudurka Sonkorowga ama Macaanka qaba, iyadoo loo qiyaasayo cirbadaha Sonkorta ee la siinayo.

Dhakhtarka u dhashey dalka Canada, Frederick Banting, oo ku guuleystay sanadkii 1923-dii Abaal marinta biladda caafimaadka ee Scotsman John McLeod. Cirbadda Insuliinta ee lagu daweeyo Macaanka waxaa la helay sanadkii 1921-kii.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dhakhtarka u dhashey dalka Canada, Frederick Banting, oo ku guuleystay sanadkii 1923-dii Abaal marinta biladda caafimaadka ee Scotsman John McLeod. Cirbadda Insuliinta ee lagu daweeyo Macaanka waxaa la helay sanadkii 1921-kii.

Qarni kadib, waxey u muuqata in astaamaha suurta galka ah ee cusub, ee lagu daweyn karo dadka qaba noocaa 1-aad ee cudurka Macaanka. Sababta ayaa ah inuu saameeyo carruurta iyo dadka waa weynba, taasoo markaasi caddaatey, iyadoo ujeedadu aheyd in laga maarmo cirbadaha joogtada ah ee nooca la yiraahdo Insuliinta.

Markan farsamada waxey ku tiirsan tahay isticmaalka unugyada asliga ah, si ay uga caawiso qanjidhada beeryada iney soo saaraan hormoonka Insuliinka, iyagoo dib u nooleynaya unugyo soo saara Insuliinka, kuwaasoo carqaladeeya shaqadooda jidhka ay saameysay.

Tirada dadka qaba nooca macaanka ma yara, hey'adda caafimaadka dunida ee (WHO), ayaa sanadkii 2017-kii ku qiyaastay in illaa iyo sagaal milyan oo adduunka ku kala nool iney qabaan cudurkan, dadka ugu badan ee qaba xanuunka Macaanku waa bukaanada nooca 2-aad, waxa ay tiradoodu kor u dhaaftey 400 oo milyan sanadkii 2014-kii.

Tignoolajiyaddan cusub ayaanan la helin, natiijadana weli laguma soo daabicin wargeys caafimaad oo gaar ah, balse qof kusugan Mareykanka ayaa ahaa qofkii ugu horeeyey ee lagu tijaabiyo isaga oo isticmaalaya, illaa hadda natiijadu waa mid rajo leh. Waxaa jirey nin boostaale ah oo u dhashey dalka Mareykanka, kaasoo lagu magacaabo Brian Shelten.

Charles Herbert Best, oo ah saynisyahan u dhashey dalka Kanada, ayaa si wadajir ah u shaaca u qaadey isticmaalka hormoonka Hormoonka Insuliinka ee lagu daweeyo cudurka Macaanka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Charles Herbert Best, oo ah saynisyahan u dhashey dalka Kanada, ayaa si wadajir ah u shaaca u qaadey isticmaalka hormoonka Hormoonka Insuliinka ee lagu daweeyo cudurka Macaanka

Maxaa sababa nooca 1-aad ee xanuunka Macaanka?

Waxaan la kulmey dhakhtarad u dhalatay dalka Suuriya, Arwa Kayali, oo ka shaqeysa rugta caafimaaka ee Koonfurta magaalada London, si aan wax badan uga fahmo cudurkan, iyo daweynta cusub ee iyada.

Waxey ii sharaxdey in sababta keenta cudurka macaanka nooca 1-aad ay tahay cillad ku timaada hab dhiska difaaca, balse aan la ogeyn sababta cilladan, marka uu jirku sameeyo unugyada difaaca jirka ee taga Xameetida, oo burburiya unugyada soo saara Insuliinta, jirku waxa uu noqonayaa mid aan awood u laheyn inuu dheefshiido sonkorta dhiigga ku jirta.

Haddaba haddii bukaanku uu cuno cunto ay ku jirto sonkor, waxaa kor u kaca heerka sonkorta dhiigga, waxaana soo baxaya astaamo lagu garto cudurka, sida harraad, kaadi badan, fangaska maqaanka, iyadoo ay dheer tahay calaamado kale, oo ay kamid yihiin daal iyo miisanka qofka oo hoos u dhaca.

Haddaba, nooca labaad ee cudurka Macaanka ama Sonkorowga, ayaa khatar badan, sababtoo ah qofka nooca koowaad uu ku dhacey waa xiligiisa carruurnimada, wuxuuna la noolaanayaa muddo dheer, sidaas darteedna dhibaatadiisa ay noqon karayaan kuwo halis ah, marka uu gaaro soddon iyo wixii ka korreeya.

Marka la eego nooca 2-aad ee xanuunka Macaanka, waxaa sababa dhiigga oo kordha iyo iney yaraadaan hormoonka Insuliinka, iyo qofka oo dadiisa ay weynaato, taasoo ka dhalata hab nololeedka fadhiga u badan, sida shaqada xafiisyada iyo ciyaaraha oo laga fogaado, qaadashada cuntada faraha badan oo ay sonkor badan ku jirto, cayilka iyo marka lagu daro hiddaha ama faraca, haddii laga helo qoyska. Qaar badan oo dadka kamid ah haddii uu miisaankooddu yahay xitaa dhex dhexaad, oo noloshoodana ay qeyb ka tahay jimicsi, intaa iyadoo ay jirto waxaa laga yaabaa inuu ku dhaco Macaanka, sababo la xiriira hiddaha ama faraca.

Saameynta xannuunka Macaanka, ayaa ku badan qoysaska faqriga ah, sababtoo ah ilmuhu wuxuu u baahan yahay cunto caafimaad leh. Cunto ka kooban xaddi badan oo borotiin ah, oo ay ku jiraan khudaar, marka laga reebo baaritaanka joogtada ah ee Sonkorowga, iyadoo la og yahay in baaritaanada kala duwan ay yihiin kuwo qaali ah, haddii rugta caafimaadka ay sameyso, haddaanu rugta aaney ku bixin adeeggaasi bilaash, ama aaney qiimaha hoos u dhigin.

Dr. Arwa Kayali
Qoraalka sawirka, Dr. Arwa Kayali

Maxaa haatan kucusub daweynta nooca 1-aad?

Dr Kayali waxey sheegtay in illaa hadda daaweynta kaliya ee nooca 1-aad ee xannuunka macaanka ay tahay Insuliinta, marka laga soo tago daaweynta afka laga qaato ee Macaanka, halka beerista Xameetida ay tahay qaali, mana jirto Xameeti fara badan oo dadka lagu beeri karayo.

Intaa waxaa dheer, ku tallaalista qanjidhadan, oo laga soo qaadey jidhka dadka wax ku deeqaya, marka lagu tallaalayo qofka cudurka qaba, wuxuu u baahan yahay isticmaalka daawada difaaca jirka inta uu nool yahay.

Haddaba guusha daweynta cusub ee loo isticmaalo unugyada asliga ah, si ay usoo saaraan Insuliinta, ayaa ka yaabisay khuburada Mareykanka, ku dhawaad 30 sano, kadib markii ay bilaabeen iney ka fakaraan. Ninka daaweyntan ka dambeeyana waa aqoon yahan ka tirsan jaamacadda Harvard iyo cilmiga bayoolojiga Douglas Melton, kaasoo uu dhiiri galiyey dhaawaca wiilkiisa yar, iyo markii dambe inantiisa oo yar, inay qaado nooca 1-aad ee xannuunka Macaanka.

Wargeyska The New York Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka, ayaa soo xigtey faah faahfaahinta sheekada boostada Brian Shelten oo 64 sano jir ah, kaasoo laga yaabo inuu noqdo bukaankii ugu horeeyey ee laga daweeyo nooca ugu horeeya ee cudurka Macaanka ee Adduunka

Sheekada Boostaalaha

Brian Shelten, waa 64 sano jir ah, ayaa laga yaabaa inuu yahay bukaankii ugu horeeyey adduunka ee laga daweeyo nooca 1-aad ee cudurka Macaanka, sawirkiisa sida uu kusoo baxey bogga wargeyska The New York Times

Xigashada Sawirka, NewYorkTime

Qoraalka sawirka, Brian Shelten, waa 64 sano jir ah, ayaa laga yaabaa inuu yahay bukaankii ugu horeeyey adduunka ee laga daweeyo nooca 1-aad ee cudurka Macaanka, sawirkiisa sida uu kusoo baxey bogga wargeyska The New York Times
Douglas Melton - cilmi baare Mareykan ah, isagoo sidoo kale Professor ka ah jaamacada Harvard

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Douglas Melton - cilmi baare Mareykan ah, isagoo sidoo kale Professor ka ah jaamacada Harvard

Brian Shelten, oo 64 sano jir ah, ayaa laga yaabaa inuu yahay bukaankii ugu horeeyey adduunka ee laga daweeyo nooca 1-aad ee cudurka Macaanka, sawirkiisa sida ka muuqata bogagga New York Times.

Bayalojiiste Milton iyo kooxdiisa, ayaa muddo labaatan sano ah ka shaqeynayey shaybaarka, si ay ugu guuleystaan iney unugyada asliga ah u beddelaan unugyo la yiraahdo Islet, oo soo saara Beer yarada, sanadkii 2014-kiina waxaa bilaabmay calaamadihii ugu horeeyey ee guusha tijaabooyinka, iyadoo tijaabooyinka baarayaashana uu xiligaasi bilawdey. Milton wuxuu aasaasey Semma isla sanadkaas, tijaabooyinkood lagu horumarinayo daaweynta, ayaa sii socdey, dhammaan sida laga soo xigtey wargeyska The New York Times.

Bishii September, ee sanadkii 2019-kii, shirkad caalami ah oo cilmiga bayoolajiga ah oo maalgashanaysa hal abuurka sayniska, Vertex, waxey Sima ku heshay 950 milyan oo Doolar, sababtoo ah Sima waxey qaadatey hab ka duwan daaweynta nooca 1-aad ee Macaanka.

Warbixin ay shirkaddu daabacdey ayaa lagu yiri: "Sima waxey gaartey laba guulood oo cilmiyeed oo muhiim ah: Midda koowaad, waa iney awood u leedahay iney soo saarto tiro badan oo ah unugyo beta-ga bani'aadanimada ah oo wax ku ool ah, oo soo celisa dheecanka Insuliinta, kaa oo yareeya (hypoglycaemia) halista inuu hoos u dhaco sonkorta dhiigga ee moodooyinka xayawaanka, waa tan labaad, waa iney soo saarto qalab cusub, oo koobaya kana ilaalinaya unugyada weerara habka difaaca jirka, awood u yeelashada ku tallaalid joogto ah, iyadoo aan loo baahneyn daaweynta difaaca jirka oo joogto ah.

Bilawgii sanadkan, Vertex waxey ku casuuntey dadka qaba 1-aad ee Sonkorowga, iney ka qeyb qaataan tijaabooyinka bukaan-socodka, ee daaweynta cusub.

Brian waxaa lagu qasbay inuu shaqada wakhti hore ka fariisto, isagoo 57 jir ah, sababtuna ay tahay nooca 1-aad ee xannuunka Macaanka, 29-kii bishii June ee sanadkan, waxa uu noqdey qofkii ugu horeeyey ee ka qeyb qaata tijaabadan cusub, waxaana lagu durey unugyo lamid ah nooca Insuliin-ka ee soo saara ganaca. Unugyada uu jirkiisu ka maqan yahay, iyadoo ujeedadu tahay in la xakameeyo in jirkiisu Insuliintu uu iskeed u soo saaro.

Daraasaddan ayaa socon doonta muddo shan sano ah, sida uu wargeysku sheegay, waxaana ku jiri doona bukaanno kale oo qaba nooca 1-aad, ee xannuuanka Macaanka oo kaliya. Dr Arwa ayaa BBC-da u sheegay: "Tani waa rajada dhabta ah ee bukaanada, laakiin weli ma ogin wax ku saabsan dhibaatooyinka. Dhammaan arrimahan waxey soo kala caddaan doonnaan waqti kadib."